Madaafiic Hoobiye yaal ah oo caawa lagu duqeeyay fariisimaha ciidamada gumeysiga Ethiopia ee Isbartiibada Muqdisho.

Qriyga Hoobiyaha

Duqeyn Hoobiye

Halkaan ka akhri

Caawa Salaadii Magrib Abaare 19:00 fiidnimo xilliga Muqdisho ayaa waxaa weerar Hoobiye yaal ah lagu qaaday garoonka ciyaaraha kubadda cagta ee Stadio Muqdisho oo saldhig u ah ciidamada gumaysiga Ethiopia.

Waxaa la sheegay in madaafiic Hoobiye yaal ah lala beegsaday ciidamada gumaysiga Ethiopia ee fadhigoodu yahay xarunta Isbartiibada Muqdisho.

Lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray ciidamada gumaysiga Ethiopia ee ku jira xarunta la duqeeyay ee Isbartiibo, waxaa kale oo aan la sheegin ilaa iyo hadda dad rayid ah oo ku wax yeeloobay madaafiicdan ayada oo aysan wali ka imaaan wax jawaab ah dhanka ciidamada gumaysiga Ethiopia.

Maanta ayaa waxaa magalada Muqdisho gilgilay labo qarax oo midkood lala beegsaday ciidamada Uganda oo gaari gaashaaman oo ay wateen uu gubtay, isla markaana ay khasaarooyin soo gaareen Ciidamada Uganda, waxayna dad goob joog ahaa xaqiijiyeen in ay arkayeen Askar Ugandes ah oo la daldalayo.

Sidoo kale waxaana qaraxan mid la mid ah lala beegsaday gaari galbinayay wafdi Ajnabi ah oo lagu sheegay in ay u dhasheen Dalka Ruushka waxaana qaraxaas ku dhintya inta la’ogyahay 3 qof oo 2 kamid ah ay ahaayeen ciidamada Dowladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Ethiopia waxaana ku dhawacmay 4 qof oo kale.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: