Labo qarax oo waaweyn oo mid ka mid ah lala beegsday ciidamo ka tirsan Amisom ee Uganda oo maanta Muqdisho ka dhacay.

ciidamada-yugandha-5.jpg

Qarax Miino

Halkaan ka akhri

Abaare 14:15 duhurnimo ee maanta ayaa qarax la qabadsiiyay gaari nuuca gaashaaman ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa nabad ilaalinta Amisom ee jooga Muqdisho.

Gaarigaan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa kolanyo ciidamada Uganda ay leeyihiin oo marayay agagaarka iskuul bolisiya.

“Waxaan aragnay gaari ay saarnaayeen ciidamada Amisom oo dhamaantiis burburay waxaana islamarkiiba halkaasi isku gadaamay ciidamadii kale ee la socday gaariga la qarxiyay waana ay jiiteen” waxaa sidaasi sheegay qof goobjooge ahaa oo magaciisa qariyay.

Ciidamada Amisom ayaa la sheegay in xiliga la qarxinayay ay ka yimaadeen dhanka dekadda wayn ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeday garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Amisom oo kusugan Magaalada Muqdisho Captain Barigye ayaa xaqiijiyay dhaawac badan oo soo gaaray ciidamadooda, balse ma uusan xaqiijin wali inta ay dhan yihiin Askarta dhaawacantay, mana uusan sheegin in ay jiraan wax dhimasha ah iyo in kale.

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada illaa sadex Askari oo kamid ahaa Ciidamada nabad ilaalada Uganda ee gaarigooda laqarxiyay.

Rasaas badan ayay fureen ciidamada Amisom, balse cidina wax kuma aysan noqon mana ahan markii ugu horeysay oo la qarxiyo gaadiid ay saaran yihiin ciidamada Amisom sanadkii tagay ee 2007-da ayay ahayd markii la qarxiyay gaari ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa Uganda markaasi oo ay dhinteen 5 ka mid ah ciidamada Uganda iyadoo ay dhaawacmeen 8 Askari oo kale.

Qaraxan loo geystay Ciidamada Amisom ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyaan Ciidamada gumeysiga Ethiopia ama Qabqablayaasha Maamulka gobolka Banaadir oo lasheegay in uusan xiriirkooda maalmahan wanaagsaneyd iyaga iyo Ciidamada Amisom ee midowga Afrika.

Afhayeenka Ciidamada Amisom Captain Barigye ayaa sheegay in ay baarayaan cidii kadambeysay qaraxan lagu qarxiyay ciidamadooda iyo cidii kadambeysayba.

Qaraxa labaad

Dhanka kale labo qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari tirsanaa Ciidamada dowladda KMG ayaa ku geeriyooday qarax maanta lala beegsaday gaari ay saarnaayeen dad ajaajib ah oo marayay agagaarka Shineemo Ceel-Gaab degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaani oo dhacay duhurnimadii maanta ayaa la sheegay in uu ahaa miinada dhulka la galiyo islamarkaana gacanta laga maamulo kaasoo lala beegsaday gaari nuuciisu ahaa roneed oo dad ajaanib ah ay saarnaayeen.

Lama oga dadkaasi halka ay ka soo jeedaan iyo ujeeda ay u joogeen Magaalada Muqdisho, inkastoo lasheegayo in ay ahaayeen wafdi kasocday Europeab Union.

Haweenay ka mid ahayd dadka deegaanka Ceel-Gaab ayaa ku geeriyootay qaraxaasi halka askari ilaalo ka hayay gaariga lala eegtay qaraxa uu isna ku dhintay inkastoo aan la sheegin qasaare soo gaaray dadkii Ajaanibta ahaa ee la damacsanaa in la dilo.

Saraakiisha dowladda KMG ah ayaan ka hadlin wali dhacdadaan iyo dadka ay yihiin Ajaanibtaasi oo la tilmaamay inay ka yimaadeen dhanka aqalka Madaxtooyada Villa-Somalia.

Sidoo kale qaraxan ayaa lagu tuhmayaa in ay kadambeeyaan Ciidamada gumeysiga Ethiopia, oo lasheegay in ay RW Nuur Cade isku khilaafeen wada hadal dhex maray oo ku saabsanaa dib u Heshiisiinta uu wado Nuur Cade.

Rw Nuur Cade ayaa iminka waxaa ilaala u ah Ciidamada Amisom, sababaha ayaa lala xiriirinayaa in ay is khilaafeen Qabqablayaal badan oo ay kamid yihiin Darwiish, Cabdi Qeybdiid, Maxamed Dheere, iyo kuwa kale.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: