Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad oo lagu wado inuu ka qeyb galo kulanka Baarlamaanada Wadamada Islaamaka.

dalxa.jpg

 Mudane Dhalxa

Halkaan ka akhri

Gudoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha baarlamaanka Maxamed Cumar Dhalxa ayaa maanta lagu wadaa inuu ka duulo magaalada baydhabo ee Gobalka Bay isgoo ku sii jeeda Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

Wararka  naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Mudane Dhalxa ay safarkiisu la xiriirto inuu ka qeyb galayo kulan ay yeelanayaan Baarlamaanada Wadamada Islaamaka.

Guddoomiye ku-xigeen ayaa sheegay in Barlamaanka KMG ah ee Soomaaliya uu xibin buuxda ka yahay ururka Barlamaanada waddamada Islaam, sidaas darteed,isagoo
matalaya Barlamanka Soomaaliya uu uga qayb galayo Kulankaas.

Mudane Dhalxa  ayaa sheegay in kulankan loogu hadli doono xaaladaha ay ku sugan yihiin wadamada islaamka iyo sida wax looga qaban karo,xili wadama badan oo ka tirsan kuwa islaamka ay ka jiraan dhibaatooyin farabadan Sida falastiis, soomaaliya iyo waddamo kale, balse dadka u kur gala siyaasada ay sheegayaan inay wax sidaas ah aysan ka soo baxaynin.

Si kasta ha ahaatee Siyaasiyiin badan oo Soomaali ayaa is weydiinaya, haddii uu Mudane Dhalxa uu tago Kulankaas oo loogu hadlayo arrimaha Gaza ma ku dhacdaa inuu si wadaniyad ku dheehan tahay uu uga hadlo cadowga dalkeena qabsadey oo dhibaatada ku hayo, mase laga yabaa inaad ku dhawaaqdo ka saaridda Ciidamada Itoobiya.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: