Ururka Midowga Afrika oo soo bandhigay qorshe cusub oo la xiriira Geedi socodka nabadeed ee Soomaaliya.

au-front.jpg

Midowga Afrika

Halkaan ka akhri

War aan si hoose uga helnay dad ka ag-dhow Raiisul-Wasaare Nuur Cadde ayaa waxay sheegeen in Gudoomiyaha Golaha Amniga iyo Nabadda M.Afrika Mudane Siciid Jinit uu soo bandhigay qorshe nabadeed dhamaystiran oo cusub taas oo xanbaarsan sidii  nabad waarta loogu hirgelin lahaa dalka Soomaaliya.

Xaqiiqada Warkan ayaa laga garan karaa sida sida ay u socdaan howlaha mabad raadinta, waayo waxaa dalka Soomaaliya ku soo qulqulayo Wufuud ka kala socoto Afrika iyo Caalamka intiisa kale, kuwaas oo wada in dowladda ay fikrado ka siiyaan sida ay u arkayaan habka lagu nabadeyn karo dadka iyo kooxaha iska soo horjeeda.

Sida la sheegay Wofdogii M.Afrika oo booqasho ku tagay Arbacadii la soo dhaafay caasimada Muqdishuu, waxay dowladda Mudane Nuur Cadde ku booriyeen in ay wada  hadal la furaan dhamaan dhinacyada ka soo horjeeda.

M. Afrika ayaa soo bandhigay Qorshaha cusub ee ku qotanta in wada hadal dhab ah lala furo dhamaan dhinacyada ka soo horjeeda DKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga, ayadoon wax shuruud ah aan lagu xirayn.

Warku  wuxuu intaas ku darayaa in Mudane Nuur cadde uu aqbalay geedi socodka nabadda ee M.Afrika u soo jeediyay,  wuxuuna sheegay in uu la hadlayo cid kasta oo ka soo hor jeeda dowladda, balse lama oga in Madaxweyne C/llaahi yuusuf inuu fikradaas uu la qabo Raiisul-Wasaaraha.

Hase yeeshee waxaa Mas’uul ka agdhaw C/llaahi Yuusuf oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa waxa uu jariidadda Al-sharq Al-awsad u sheegay in C/llaahi Yuusuf oo hadda ku sugan London uu u anbabixi doono Addis Ababa si uu uga qayb qaato shir ay madaxda M.Afrika ku yeelan donaan halkaas.

Wuxuuna sheegay in uu ku boorin doono madaxda Afrikaanka ah oo horay u balan qaaday in ay Soomaaliya u soo dirayaan ciidamo in ay oo fuliyaan balantoodii waqtiga ugu dhaqso badan si ay ugu suurta gasho DKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga in ay dalka ku fidiso awoodeeda.

Qaar ka mid ah Wadamada  M. Afrika ayaa dhowr jeer ku cel celinayay digniino uu ka bixiyey xaaaladda Soomaaliya wuxuuna todobaadkii laga soo gudbay Alfa Omar Konari oo ah gudoomiyaha M. Afrika uu ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay ku dhawdahay in ay gacanta mar labaad u gasho mujaahidiinta, wuxuuna Qaramada Midoobay ka dalbaday in ay soo dedejiso ciidamo ka socda Q.M oo badala kuwa M.Afrika oo uu cadeeyay in aysan waxba ka qaban karin arrinta Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: