Mujaahidiinta Al-Shabaab oo saakay la wareegay gacan ku heynta Garoonka Bali-Doogle kuna qabsaday hub aad u fara badan.

Balidoogle Airport

Garoonka Balidoogle

Halkaan ka akhri

Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka aroortii hore gabi ahaanba la wareegay garoonka ciidanka cirka ee Bali Doogle ee Gobolka Shabeelada Hoose, ka dib Dagaal qorshaysan oo ay mujaahidiintaasi ku qaadeen sida uu xaqiijiyay afahayeenkooda Sheekh Mukhtaar Rooboow “Abuu Mansuur”.

Dagaalkan ayay Mujaahidiinta Al-Shabaab kula wareegeen gacan ku heynta garoonkaasi oo ay sheegeen in uu saldhig u ahaa 1500 oo askari isla markaana ay gacanta ku dhigeen oo ayna qabsadeen 100 qori iyo rasaastoodii iyo saanada milatari oo kale.

Mujaahidiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay dagaalkaasi kaga gubeen ciidamadaasi labo ka mid ah gawaarida dagaalka iyada oo ay sidoo kalana gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah ciidamadii halkaasi ku jiray oo qaarkood ku cararay masaajidka garoonka kuwaas oo ay Mujaahidiinta sii daayeen ka dib markii ay ku waaniyeen in aysan la shaqeyn gumeysiga Ethiopia kana qeyb qaadan xasuuqa shacabkooda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Dagaalkan ay kula wareegeen Mujaahidiinta Al-Shabaab garoonkaasi ka dib ayaa waxa ay baaritaano ka sameyeen garoonka iyaga oo halkaasi ka helay xafiis la sheegay in uu ahaa xafiiska waxa loogu yeeray “argagixiso la dagaalanka” oo ay Soomaalidu u taqaano “Ashahaado la dirirka”.

Garoonkan ayaa tan iyo intii ay bur-burtay xukuumadii milatari Maxamed Siyaad Barre ayaa waxa uu gacanta u galay kooxo ka amar qaadata maraykanka taas oo keentay in culumo fara badan oo Soomaaliyeed halkaasi laga dhoofiyo isla markaana ay ka soo degaan sirdoonka Maraykanka ee CIA-da iyada oo iminkana uu saldhig u yahay ciidamada loo soo tabo-baro la dagaalanka culumaa u diinta Soomaaliyeed iyo wax-garadkooda.

Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa iyagu maalin waliba si joogta ah u wada dagaalada ay sida tooska ah uga soo hor jeedaan ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa la shaqeeya ee xooga iyo sharci darada ku jooga gudaha dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Wanla-weyn

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: