Meles Zenawi oo ku calaa calay dhibaatooyinka lagu haayo ciidankiisa in ay ka dambeeyaan Dowlada Shisheeye, sida Eritrea iyo Qatar.

Meles Zenawi

Meles Zenawi

Halkaan ka akhri

Meles Zenawi oo ku calaa calay dhibaatooyinka lagu haayo ciidankiisa in ay ka dambeeyaan Dowlada Shisheeye, sida Eritrea iyo Qatar.

Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zanawi oo la hadlayay wargayska the Guardian ayaa ka hadlay arrimaha Dalka Somalia, isaga oo sheegay in horumar xaga Siyaasada laga gaaray arrimaha Somalia, wuxuuna tilmaamay in Somalia ay gaartay Dimoqraadiyad iyo dowladnimo buuxda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Kaligii taliye Meles ma’uusan carabaabin waqtiga kama dambaysta ah ee ciidamada gumeysiga Ethiopia ay ka baxayaan gudaha wadankan Somalia.

Laakiin waxa uu ku adkaystay in Somalia ay ciidamadiisu sii joogi doonaan, inta ay ka soo dhamaystirayaan ciidamada Ururka Midowga Afrika, oo balan qaaday in Somalia ay u soo dirayaan ciidamo nabad ilaalin oo gaaraya illaa 8-kun oo Askari.

Meles Zenawi ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Somalia ay u baahan yihiin in ay helaan taageero iyo qalab milatary gaadiid oo uu sheegay hadii ay helaan in ay howl gallo fulin karaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxaa uu sheegay Ciidankiisa in culeys weyn saaran yahay oo looga baahan yahay Soomaaliya in ay nabadeeyaan wax kastaba haku qaadatee, ayuu yiri kaligii taliye Meles.

Meles Zenawi ayaa ku calaacalay Dowlada Eriteria, wuxuuna ku tilmaamay in ay gobolka ka abuurayso qalalaaso weyn, isagoo intaa kusii daray in ay hoy siisay waxa uu ku tilmaamay argagaxisida caalamiga, waa sida uu hadalka u dhigay Meles.

Waxaa uu sidoo kale ku eedeeyay dowlada Eritrea in qalab ah iyo taageero ay siinayso Muslimiinta ku nool dalka Ethiopia, si markaasi buu yiri ay halkaasi qalalaase uga abuuraan.

Wuxuu kaloo sheegay in Dowladda Eritrea ay hub casri ah maalin walba usoo gudbiso kooxaha ka dagaalama oo uu sheegay in ay madaxdooda joogaan Asmara.

Wuxuu kaloo eedeyn taasi la mid ah u soo jeediyay dowlado Carbeed oo uusan magacaabin, balse uu carabka ku dhuftay dowladda Qatar, isaga oo ku eedeeyey in ay taageero dhaqaale ay u fidinayaan howl galada ay wado dowlada Eritrea ee ka dhanka ah dowladiisa.

Dowlaada Eritrea ayaa hore iyadu gaashaanka ugu dhufatay dhamaan eedeeymaha ay dowlada Ethiopia inta badan u jeediso, kuna tilmaamtay cabsi iyo qalqal ay ka qabto burburka kusoo socda.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: