ZAKARIYE XAAJI:- NUUR CADDE WAA NIN ODEY AH, WAXASE UU SAARAN YAHAY GAARIGII DALKA LAGU QABSADEY (WAREYSI).

Mr. Zakariya

Zakariya X. Abdi

Halkaan ka akhri

“Haddii dawladi jirto ma hal milyan iyo bar Soomaali ah ayaa la qaxin lahaa? Ma caasimaddii ayaa madaafiic iyo B.M loo qaybin lahaa habeen walba? Xamar maalintii Xabashidu soo galaysey 72 isbitaal ayaa shaqeynayey maantana 2 kaliya.”

Mr. Zakariya

Guddoomiye ku-xigeenka Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliyeed Dr. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo maalin ka hor ku soo laabtey dalka Britain isaga oo safar ku kala tegey dalal ku yaalla waqooyiga Ameerika, Yurub iyo xarunta Isbahaysigiisa ee Casmara, waxaana wareysi aan la yeelanney uu inooga warramey wixii u soo qabsoomey, dadaalka siyaasadeed ee haatan socda iyo mawqifka Isbahaysiga. Waxaana ugu horreyn weydiiyey:

S: Safar dheer ayaad ku soo kala bixiseen waqooyiga Ameerika, iyo Yurub adiga iyo xubno ka tirsan Isbahaysiga maxay ahayd ujeedada iyo farriinta aad gudbinayseen?

J: Safarkayagu laba ujeeddo ayuu lahaa: in jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo dawladaha dalalka aan tagney aan gaarsiinno xasuuqa iyo barakicinta dadka Soomaaliyeed lagu hayo iyo gumaysiga dalka la geliyey iyadoo magac dawladnimo aan jirin lagu hoos gabanayo. Ujeedada kalena waxay ahayd in dawladaha adduunka iyo dadka Soomaaliyeedba loo sharraxo ujeedada halganka dalka lagu xoreynayo. Labadana guul ayaan ka soo gaarney?

S: Dalalka aad soo marteen yaa ka mid ah?

J: waxaan soo marney Mareykanka oo aan ka tagney, Meneapolis, Virginia iyo Washington. Canadana waxaan tagney Toronto iyo Ottowa.Waxaan kale oon soo marney Geneva, Holland iyo Brussels oon hadda soo marey.

S: Maxaa ka mid ah guusha aad ka gaarteen?

J: Waxaan ku guulaysanney inaan abaabulno wacyi gelin iyo shirar is daba joog ah oo loo qabanyey jaaliyadaha dalalka aan tagney kuwaasi oo u jeedadoodu ahayd sidii jaaliyadahaSoomaaliyeed ay uga qayb geli lahaayeen halganka dalka lagu xoreynayo, innaga oo kaashanayna xubnaha firfircoon ee jaaliyadaha dalalkaas oo horeba dadaal uga dhex wadey jaaliyadaha Soomaalida. Waxaan Shacbiga Soomaaliyeed gaarsiinney in hal meel laga soo wada jeesto si dalka loo xoreeyo, waana ku guulaysanney arrintaa, tusaale ahaan waqooyiga Ameerika waxaa laga sameeyey Dallad ay ku mideysan yihiin ururrada jaaliyaduhu leeyihiin ee dalalkaas ka jira oo loo bixiyey Somali Cause. Dalalka aduunkana waxaan ku guulaysanney inaan gaarsiino farriinta ujeedada halganka socda, dalal badan ayaana taas ka garaabey. Awal waxaa nalaku handadi jirey ARGAGIXISO WEEYAAN, dawladda Ereteriyana cadaadis ayaa la saarey hadase waxay garawsadeen sida dadka Soomaaliyeed uu meel uga soo wada jeestey waxa Xabashidu ka wado Soomaaliya, waxayna keentey in annaga nala soo raadiyo oo ay Asmara yimaadaan, xitaa kuwii annaka Argagixiso nagu sheegi jirey.

S: Kuwaasi Mareykanku ma ka mid yahay?

J: Haa.. Qaramada Midoobeyna cadaadis ayuu ku saarey inaysan nala kulmin, hadase Mareykanka, Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub intaba waa ay nala kulmeen waana u bandhigney xalka iyo mawqifkayagu waxa uu yahay.

S: Dadaalka haatan socda ee beesha caalamku waddo ee lagu soo jeediyey wadahadalka diyaar ma u tihiin inaad ka qayb gashaan?

J: haa.. waxaan u sheegney inaan wada hadal diyaar u nahay, laakiin gumaysi annaku wada hadal la geli meyno. Ciidamada gumaysigu horta dalkayaga ha ka baxaan, annaka ayaa idiin ballan qaadeyna inaan wada hadal umadda Soomaaliyeed la geleyno, ayaan u sheegney.

S: Mawqifkiinna dawladda KMG ah hore ayaad u sheegteen, laakiin Ra’iisul wasaaraha Cusub Nuur Cadde sida uu u hadlayo iyo siyaasadaha cusub oo uu la yimid ma idin soo jiiteen?

J: Runtii Nuur Cadde waxaan u aragnaa inuu yahay nin odey ah oo nadiif ka ah dagaalladii sokeeye, laakiin waxa uu saaran yahay waa gaarigii dalka cadawga lagu keeney ee lagu qabsadey, waa gaarigii daba-dhilifka ahaaa, ee gumaysiga soo hor kacay. Annaku shaqsi ahaan waxaan u haysanno ma jiraan laakiin meesha uu galay meel quruntey weeye, waxaan kula talin lahayn inuusan shaarka iska wasaqeyn oo odeytinnimadiisa ku ekaado. Meesha dawladi ma jirto, waxaa dawlad ka ah nin Gabre la yiraahdo oo Tigree ah. Taasna dadka Soomaaliyeed waa ay iska xoreynayaan. Dalku nabad buu ahaa waa ogtahay intii aan Tigreegu imaan. Dadkii dalka laga qabtey ee dadka dhiiggooda cabi jirey ayaa dib loogu soo celiyey, hadana waa laga xoreynayaa macal xabashidooda.

S: Laakiin miyeysan ahayn wax la soo dhoweeyo inuu yiri mucaaradka waa la kulmayaa dhammaantood, inuu muujiyey inuu ka xun yahay xaaladda uu dalku ku jiro, inuu doonayo in Itoobiyaanku ay dalka ka baxaan, taasi oo aan ahayn wax looga bartey madaxda dawladda uu hadda Ra’iisul wasaaraha u yahay, taasi miyeysan dabacsanaan idinku abuureyn iyo inaad soo dhoweysaan?

J: Horta Mucaaradna ma jiro dawladina ma jirto. Waxaa jira Gobanimodoon dalkooda ka xoreynaya gumaysi iyo koox daba-dhilif ah. Waagii Afrika ay gumaysiga la dirireysey lama dhihi jirin Mucaarad iyo dawlad baa diriraya ee waxa uu ahaa Gobanimadoon iyo gumaysi dagaal u dhexeeyey, Soomaaliyana hadda xaaladaas ayey ku jirtaa…berigaasba dad daba-dhilif ah oo gumaysiga la shaqeeya waa ay jiri jireen. Meesha daba-dhilif iyo gumaysi ayaa jooga. Haddii dawladi jirto ma hal milyan iyo bar Soomaali ah ayaa la qaxin lahaa? Ma caasimaddii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa madaafiic iyo B.M loo qaybin lahaa habeen walba, ma dumarka iyo carruurtaa la dili lahaa, ma guryahaa la dumin lahaa, ma hantida shacabkaa la boobi lahaa…waa maxay dawladda aad sheegaysaa ood ku celcelinaysaa? Dawlad waa tan umaddeeda xannaanaysa, oo dadka muwaadiniinta ah nabad-gelyadiisa sugta oo boliis u samaysa oo xuquuqdooda ilaalisa, xannaaneysa oo isbitaallada u samaysa. Xamar maalintii Xabashidu soo galaysey waxaa shaqeynayey 72 Isbitaal maantana 2 kaliya ayaa shaqeysa. Aawey dawladnimadii? Dawladdu magac ma ahan la iska sheegto calaamado lagu yaqaanno ayaa jira.

S: Soo uma muuqato inaad wada hadal oo dhan aad meesha ka saareysaan?

J: Maya..annaku umadda Soomaaliyeed ayaan wada hadal la geleynaa, waxaan la hadlaynaa oo hadda wada hadal inoo socdaa dawladihii shalay Xabashida keeney iyo kuwii maal geliyey iyo UN-ka, waxaana kala hadlaynaa inay Xabashida dalka ka saaraan, haddii ay ka saari karaan inta aannan annaku xoog ku saarin. Gabre iyo Melez Zenawi dalka nalama lahan, nalamana gorgortami karaan iyaga oo dalkayaga haysta.

S: Dhowaan kulankii aad la yeelateen Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya maxaad u sheegteen amaba isku afgarateen?

J: Waxaan u sheegney in Itoobiyaanka dalka laga saaro, In Shaqsiyaadkii dembiyada dagaal Soomaaliya ka geystey Maxkamad Caalami ah la hor geeyo sida Melez Zenawi iyo saraakiishiisa iyo Soomaalidii ku gacan siisey qabsashadiisa Soomaaliya, in wada hadal Soomaali loo qabto oo dawladi ma jirtee Soomaaliya dawlad loo sameeyo, in dadka la bara-kiciyey gargaar bani’aadannimo loo fidiyo degaannadoodii iyo guryahoodiina ay dib ugu laabtaan arrimahaas ayaan kala hadalney.

S: Ma jirtaa qorshe la idiin soo jeediyey oo ah in ciidammo nabad ilaalin ah oo ka socda QM dalka la keeno, Afrikana laga wareejiyo mas’uuliyadda nabad ilaalinta.

J: Waxaan u sheegney in ciidammo dadka Soomaaliyeed ay ka wada hadleen oo heshiis ku yihiin in la keeno. Ciidammo kooxi keensatey annaku nabad ilaaliyayaal uma aqoonsanayno. Waxa loo baahan yahay ciidan QM ay waddo oo nidaamkooda la yaqaanno, oo waxa ay qabanayaan la yaqaanno, muddadooda la yaqaanno. Dalka annagaa leh ma ahan meel qashin qub ah oo wixii la rabo la iska keeni karo sidii la rabona laga yeeli karo. Aan dawlad la ‘aanno aana kala daadsanaano laakiin weli ummad baynu nahay sida umadaha adduunka loola dhaqmo waa in naloola dhaqmaa. Umadaha kale marka dhinacyada is haya ay isku raacaan ayaa ciidammo ay heshiis ku yihiin waxa ay qabanayaan ayaa loo geeyaa. Ciidammo koox gaar ah iyo shaqsiyaad ilaalinaysa ama ay ku adeeganayaan ma doonayno.

S: Hadda waxaa Xamar tegey amaba weli jooga koox ka socota QM oo qiimeynaysa sida Ciidammo nabad ilaalin ah loo gayn karo dalka, taas ma la idin kala tashtey?

J: Kuwa hadda joogaba yaa nagala tashtey, waxa ay gaashaan u yihiin Kooxda Imbagathi iyo Itoobiyaanka. Annaku waxaan u sheegney in Soomaalidu ay go’aanka ciidamada iyagu leeyihiin, haddii marka Soomaalidu wada hadasho ay ku heshiiso inay u baahan yihiin ciidammo kala dhex gala muddo gaaban waa OK, waa la keenayaa, haddii kalena waxa ay ku heshiin karaan inaan loo baahnayn. Soomaaliya meelo xasilloon oo dadkeedu inta isu yimaadeen heshiiyeen ayaa jira sida Somaliland iyo Puntland maxaa Koonfurta ciidamada aan dadkeeda lagala tashan loogula soo ordayaa?.

S: Itoobiyaanku si ay u baxaan in ciidammo kale la keeno ma ogolidin miyaa?

J: Itoobiyaanku haddii ay baxaan nabad baa imanaysa, dhibaato aan iyaga ahayn dalka kama jirto. Nabad darrada iyagaa mas’uul ka ah.

S: Hadii ay Itoobiyaanku baxaan ciidammo bedelena aan la helin soo uma ekaanayso cidii xoog leh ee adkaataa ha soo harto, sida dadka qaar ku doodaan?

J: Xoogga maxaa keenaya? Dadkii dalka lahaa ayaa ka wada arrinsanaya aayahoodee. Annaku bahallo is cunaya ma nihin. Markii horeba nala kuma kala dhex jirin. Maxaakiimtu waxa ay joogeen Xamar qolada Imbagathina Baydhaba, ciidamana kuma kala dhex jirin, isumana imaan illaa Itoobiyaanku ay weerar soo qaadeen.

S: Laakiin markaas authority ama awood maamul oo Xamar gacanta ku haysey ayaa jirtey?.

J: Xaaladdaas oo kale ayaa abuurmi karta. Dadka Soomaaliyeed waa ay heshiin karaan, waxna waa qabsan karaan haddii aan lagu kala dhex jirin.

S: Laakiin marka la eego mawqifkiinna iyo istiraatijiyada aad wadataan soo ma khilaafsana qaabka ay Beesha Caalamku ku celceliso ee ah in Itoobiyaankana dalka laga saaro ciidammo bedelana la keeno, adinku qaabkaas inaad ka soo horjeedaan ayey u muuqataa?.

J: Carabtu waxay ku maahmaahdaa DADKA MAKKA IYAGAA YAQAANNA LUUQLUUQYADA MAKKA. Xaafad kastaa luuqluuq yadeeda qofkii u dhashey ama deggan ayaa kala yaqaanna. Beesha Caalamka dalka annaka ayaa ka xigna oo kabadina una dhalanney xalkiisana ka aqoon og. Waana u sheegney sida wax loo kala hor marinayo iyo inaysan xal ahayn keenista ciidammo aan la isku raacsanayn. Beesha caalamka wixii ay nagula qumanaayeen waan ka yeelney, wixii kalena waan u caddeyney mawqifkayaga. Gobollada waqooyi ee Soomaaliya markii ay heshiinayeen UN-na looma keenin Afrikaanna looma keenin, Waqooyi-Barina looma keenin, Koonfurtuna wacal maahan kuwaas ayey la mid tahay, Soomaalida haddii la isaga dhex baxo iyagaa heshiinaya, haddiise ay gartaan inay ciidan u baahan yihiin markaas iyaga oo raalli ka ah ayaa loo keenayaa.

S: Keenista Ciidan miyaan la idinku soo qaadin?, Maxaadse isku ogtihiin beesha Caalamka iyo UN-ka markii ugu dambaysey?

J: waa nala ku soo qaadey. Waxaana niri horta kuwa jooga halla saaro, kuwa la keenayana soomaali haka tashato.

Waxaa wareystey
C/qaadir Gutaale

Source Somalitalk

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: