Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha hawiye oo eedeyn culus u jeediyay wefdigii xaqiiqo raadin ahaa ee Muqdisho yimid.

xaad

Odayaasha Hawiye

Halkaan ka akhri

Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beesha Hawiye ayaa waxaa ay eedeyn dusha kaga tuureen maanta wafdigii xaqiiqo raadinta ahaa ee ka socday beesha caalamka oo dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed

Ku: Beesha Caalamka

Ku: Ururka Midowga Afrika

Ujeedo: Dhaliilo ku wajahan siyaasadda Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

HORDHAC

Waxaa wax laga xumaado ah in beesha caalamka ay iska indho tirayso wadada kaliya ee lagu heli karo xalka dhibaatada murugsan ee Soomaaliya, in ay tahay dibuheshiisiin la dhex dhigo qeybaha isku haya awoodda siyaasadeed ee dalka.

Waxaa wax lala yaabo ah in ergooyin xaqiiqo raadin ah oo ka socota beesha caalamka ay la kulmaan garab kaliya oo ah TFG-da taas oo ka dhigaysa macluumaadka ay qaadanayaan mid qaldan oo aan wax lagu dhisi Karin oo aan u adeegeyn danta shacabka Soomaaliyeed.

Sidaa daraateed Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye shir uu ka yeeshay arintaas wuxuu ka soo saaray qodobadaan soo socda:

Waxaan kula talinaynaa Q.Midoobey in safaradooda ay dib u fiiriyaan kana dhigaan mid ay ku gutaan danta saxda ah iyo xuquuqda dadka Soomaliyeed; waayo wafdigii ugu dambeeyay ee qaramada Midoobay iskuma howlin in ay arkaan goobaha Ciidamada Itoobiya ay ka qixiyeen dadkii rayidka ahaa ee deganaa iyo sida uu u burburay ganacsigii magalada Muqdisho, sidoo kale iskuma howlin in ay arkaan dadka qabowga iyo qoraxda ku dhibateysan ee ay hoygoodii iyo howl-maalmeedkoodii ka soo barakiciyeen Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo TFG-da.

Waxaan si mas’uliyad leh Xog-hayaha guud ee Q. M uga codsanaynaa in uu war naga siiyo xogta dhabta ah ee ku saabsan xirnaanshaha Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ahaa Afhayeenka Glaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye iyo xubnaha kale ee golaha, kuwaas oo ay qafaasheen ciidamada TFG-da gaar ahaan kooxda sheegta guddiga Amaanka Qaranka lana la’ yahay nolol iyo geeri midna, iyo shacabka rayidka ah, saxafiyiinta ku xirxiran xabsiyada TFG-da.

Siidaynta Mas’uuliyiintaas waxay u gogol xaari kartaa albaabkana u furi kartaa wadahadal iyo dib-U-heeshiisiin lagu kalsoon yahay, iyadoo islamarkaas damin karta carada shacabka Soomaaliyeed ee ay ka maqan yihiin mas’uuliyiintaas.

Waxaan u sheegaynaa Ururka Midowga Afrika in ay qarwaaqsadaan in arinta Soomaaliya aan awood milateri lagu xalin Karin, kana waantoobaan isbarbartaaga garab ka mid ah garabyada ka jira dalka, dhexdhexaadna ay ka noqdaan arinta Soomaaliya.

Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka in ergadooda imanaysa dalka ay la kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhinacyada isku haya siyaasadda dalka si ay u helaan xog dhab ah oo cadaynaysa dhibaatada jirta kana tarjumi karta rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, iyadoon uga digeyno macluumaadka ay ka qaadanayaan TFG-da oo kaliya in uu yahay mid sii murjinaya xaaladda dalka.

Ugu dambeyn waxaan Beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed u iftiiminaynaa in dowladda KMG aysan doonaynin dib-U-heshiisiin ka dhacda dalka Soomaaliya taa waxaa cadeyn u ah in C/llaahi Yuusuf iyo Afhayeenaiisaba ay ku dhawaaqeen in aysan wada hadal la galeynin kooxaha la dagaalamaya dowladda.

Taasoo macnaheeda yahay in dadaalka dib-U-heshiisiineed ee Ra’isal wasaare Nuur Cadde iyo Xukuumadiisa Cusub iyo Beesha Caalamkaba ay ku doonayaan in ay wax kaga qabtaan xaalada murugsan ee ka jirta gobolka Banaadir uusan raali ka aheyn C/llaahi Yusuf iyo ragga ay isku heybta yihiin.

Ayna rabaan in ay sii socoto dhibaatadaas, Sidaas darteed Goluhu wuxuu u sheegayaa Shacabka Gobolka Banaadir in dhibaatada lagu hayo la helay isha ay ka soo burqaneyso ayna lagama maarmaan tahay in ay meel uga soo wada jeestaan.

Guddoomiyaha golaha dhaqanka & midnimada beelaha Hawiye

Maxamed Xasan Xaad

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: