135 qof oo Somali u badan, oo doonyo tahriib ah ka soo raacay xeebaha Puntland oo laga helay meydkooda xaabaha dalka Yaman.

meydad

Tahriibayaal

Halkaan ka akhri

135 qof oo Somali u badan, oo doonyo tahriib ah ka soo raacay xeebaha Puntland ee dalka Somalia, ayaa ku dhintay oo ay meydkoda soo caarisay xeebta dalka Yemen dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Dadkaasi ayaa ka soo raacay doonta xeebta Shibmiraale oo u dhaw magaalada Boosaaso, ayaa usocday inay soo gaaraan waddanka Yemen, sida ay sheegtay hey’ada qaxootiga ee UNHCR.

Dhawrkii bilood ee u danbeeyay ayaa waxaa sii kordhaya tirada doonyaha soo gaara xeebaha dalka Yemen oo la qiyaasayo in ay maalin kasta yimaadaan ilaa 3 doonyood.

Xuseen Xaaji Ahmed oo ka tirsan qunsuliyadda Somalia ee magaalada Aden, ayaa sheegay in la helay meydadka 135 qofood, oo uu sheegay inay ku kala dhinteen laba doomood oo ay la kala socdeen, muddo gaaban ka yar 24 saacadood.

Doonta hore ayaa halowday, laakiin midda labaad ayaa waxaa uu sheegay in dadkii saarnaa lagu qasbay inay ka daataan doonta, oo macnaheedu yahay in xoog loogu daadiyay badda.

Tan iyo intii dagaalada sokeeye ka bilawdeen Somalia 1991, waxaa xeebaha dalka Yemen iyo Somali ku dhintay kumanaan kun oo qof.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: