Qaramada Midoobay oo dadaal dheeri ah ka wado, sidii loo dardar gelin lahaa xasilinta xaaladda dagaaleed ee dalka Soomaaliya, taasoo caddeynayso Wufuuda ku soo qulqulayso M. Muqdisho.

un1.jpg

 Qaramada Midoobay

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saacadaha soo socda la filayaa in garoonka caalamiga ah ee Muqdisho ay ka soo degi doonaan Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Afrika Mudane Saciid Dajinid.

Ujeedada socdaalka ergaygan ayaa la sheegi Karin illaa iyo hadda balse waxaa la filyaa in uu kulamo kala gedisan la qaato Madaxda DKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga itoobiya ee uu ugu horeeyo Raiisul-Wasaare Nuur Xasan Xuseen.

Socdaalka wafdigan ayaa waxaa saxaafada u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan ciidamada,“AMISOM “ oo isagu ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana Ciidamadan la galiyay heegan diyaar garoow ah oo la xiriira sidii ay amaanka wafdigaasi ayu sugi lahaayeen.

Socdaalka wafdigan ayaa ku soo beegmaya iyada oo maalinmadii shalay ay Muqdisho soo gaareen wafdi ka kooban 12 xubnood oo la sheegay in ay dersayaan sida ugu haboon ee ay xiligani ciidamo ka socda QM loo keeni lahaa Soomaaliya iyo sidii ay u qiimeyn lahaayeen amaanka guud ee wadan.  

Wafdigan ayaa shalay la kulmay Raiisul-Wasaare Nuur xasan xuseen, Maxamed dheere ,cabdi xasan cawaale qeybdiid, iyo Max’ed Cismaan Cali (Dhagax Tuur) isla markaana kala hadlay suurto galnimada in ciidamo ka socda Qaramada midoobay la keeni karo Soomaaliya xiligan.

Wafdigan ka socda QM ayaa iyagu horey u soo maray magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso isla markaana uu la xiriiray socdaalkooda sahminta xaalada amaan ee Soomaaliya oo iyadu hadda maraysa meesheedii abid ugu xumayd ka dib markii ay soo galeen ciidamada gumeysiga itoobiya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: