Afhayeenka Ciidamada Burundi ee jooga Soomaaliya oo Sheegay In Xilligan Hawlgallo ka fulin Doonin magaalada Muqdisho.

cburundi1.jpg

Ciidamada Burundi

Halkaan ka akhri

Ciidamada dalka Burundi oo ka mid ah Xoogaga “Amisom”ee looga tala galay inay ka fuliyaan dalka Soomaaliya Nabab Ilaalin ayaa ku soo  qulqulaya Magaalada Muqdisho, ayaa  sheegeen inaysan xilligan diyaar u aheyn in ay hawlgalo ka fuliyaan Caasimadda.  

Afhayeenka Ciidamada Burundi Captan Kalamandi Siman ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa si cad u sheegay in ciidamada Burundi aysan sameeney doonin xilligan wax howl galo ah ilaa buu yiri aanu ka ogaanayno xaaladda dhabta ah ee ka jirta caasimadda. 

Afhayeenka, ayaa qiray inaysan wax dhaqdhaqaaq militari ah aysan qaadaynin xilligan, balse ay markii ay dersaan xaaladda magaalada ay ku dhaqaaqi doonaan fulinta hawlgalka nabad ilaalinta ee loosoo xilsaaray inay ka fuliyaan caasimadda Somalia ee Muqdisho. 

Captan Kalamandi Siman, ayaa intaa ku daray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ciidamadooda oo xilligan gaaraya 400 oo Askari ay inta ka dhiman usoo dhameystirmi doonaan cishooyinka soo socda sida uu yiri. 

Warar kale ayaa sheegaya in Ciidamada dalka Nigeria oo ka mid ah xoogaga Nabad ilaalinta AMISOM, ayaa iyagana dhawaan soo gaari doono caasimaddaSoomaaliya ee Muqdisho,sidaas darted  Afhayeenka ciidamada Burundi Captan Kalamandi Siman, wuxuu carrabka ku dhuftay inay u sii diyaargaroobayaan soo dhaweynta Ciidamadaas, ayuu yiri. 

Dhinaca kale, Captan Kalamandi Siman, ayaa ugu baaqay xoogaga wax iska caabinta ka wada Magaalada Muqdisho, inay joojiyaan weerarada ay la beegsadaan ciidamada Dowladda kmg, kuwa Ethiopia iyo xoogaga AMISOM, isla markaana ay diiradda saaraan in wada-xaajood lagu xaliyo waxyaabaha la kala tabanayo.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: