Xoogagga wax iska caabinta oo Ra´isal Wasaare Nuur Cadde xalay ku soo dhaweeyeen Madaafiic Hobiyeyaal ah.

mujahidinta_dunida.jpg 

Digniinta Xoogagga

Halkaan ka akhri

Waxaa shalay gabnimadii lagu weraray Xarunta madaxtooyada Villa Somalia, madaafiic hoobiyeyaal ah oo loogu talagalay in lagu soo dhaweeyo Raiisul-Wasaare Nuur Xassan Xussen (Nuur Cadde) oo ku sugan Xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, waayo shalay ayey ahayd maalintii i ugu horraysay oo uu soo gaaro Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, tan iyo intii loo magacabay jagada Ra’isul wasaaranimo ee Dowlad u yaalka ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya.

Ilaa 7 madfac oo nooca loo yaqaano hoobiyaha ayaa ku dhacday xarunta madaxtooyada oo shalay ka jirtay xaflad lagu soo dhawaynayo Nuur Cadde.

Lama garanayo illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ay gaysteen madaafiicdaasi lagu qaraacay Villa Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan qaar ka mid ah madaafiicda oo u gudbay xaafadda Boondheere lamana sheegin wax khasaare ah oo ay u gaysteen dadka deegaankaas.

Madaafiicdan lagu garacay Xarunta Madaxtooyo oo uu ku sugnaa RW. Nuur Cadde ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay kooxda Al-shabaab sheegeen in ay weerari doonaan Nuur Cadde hadii uu Muqdisho yimaado, isla markaana ayeey yiraahdeen Al-Shabaab ay tahay luuqadda ay kula hadlayaan daryanka Madaafiicda, isla markaana aysan diyaar u ahayn wada hadal ay la galaan Nuur Cadde inta uu la shaqaynayo ciidamada gumaysiga Itoobiya.

Mudane Nuur Cadde ayaa Saakay ka billaabay wadahadalladiisa ugu horreeyey Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madaxda Ciidamada Dowladda KMG ah.

Kadib ayaa lasheegay in uu u gudbi doono Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Ururrada ka soo horjeeda Joogitaanta Ciidamada gumeysiga Itoobiya gudaha dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: