Maalinta Saxaafadda
Halkaan ka akhri
Waxaa maanta laga xusay magaalada Muqdisho maalinta saxaafadda Somalia oo ku beegan 21 janaayo taasoo ay ka soo qeyb galeen xubno katirsan golaha wasiirada iyo Ururada bulshada rayidka.
Xafladaan oo si aad ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay mas’uuliyiin badan oo katirsan qeybaha bulshada rayidka iyo mas’uuliyiin katirsan golaha wasiiradda dowladda KMG ah ee Somalia.
Mar uu ka hadlay wasiirku suxufiyiinta u xiran xukuumada KMG ah ee aan wali la soo taagin wax maxkamad ah ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan dadaal uu u galayo sidii loo sii dayn lahaa suxufiyiintaasi.

Waxaa lagu soo bandhigay kulanka maanta lagu maamusayay 21 janaayo ee warbaahinta Somalia dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee lagu wax yeeleeyay suxufiyiinta ka howlgasha Somalia gaar ahaan magaalada muqdisho.

Boorar waawayn oo ay ku sawiranyihiin qaar ka mid ah xubnihii suxufiyiinta ahaa ee lagu dilay magaalada muqdisho ayaa ka muuqanayay holka lagu qabtay xaflada maanta.





Wasiirka warfaafinta, dhalinyarada iyo isboortiga ahna Ra’isal wasaare kuxigeen Axmed Cabdi salaam xaaji Aadan ayaa si wayn uga hadlay dhibaatada baaxada leh ee haysata warbaahinta Somalia waxaana uu sheegay in dhexda loo xirto sidii dhibkaasi looga bixi lahaa maadaama aan la shaqayn Karin.
Sanadkii la soo dhaafay ee 2007 da ayaa waxa uu ahaa kii ugu dhibaatada badnaa ee ay soo marto warbaahinta ka howgsha Somalia waxana lagu dilay Dalka Somalia 8 suxufi oo xiligaasi howlahooda ku guda jiray.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Somali Mogadisho Puntland Somalilan |
You must be logged in to post a comment.