Shir deg deg ah oo la xiriira xaaladda dalka Soomaaliya oo ay yeelan doonaan Toddobaadkan Golaha Amaanka ee Midowga Afrika.

au-front.jpg

Midnimada Afrika

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Golaha Amaanka iyo Midnimada Qaarada Africa Siciid Djinit ayaa sheegay in toddobaadkaan ay iskugu imaan doonaan kulan ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya, kulankaasoo layskula soo qaadi doono ciidamada nabad ilaalinta ee la filayo in la geyn doona dalka Soomaaliya. 

kulanka Goluhu wuxuu ku saabsan yahay xaalada dalka Soomaaliya & sidii kaalmo loo siin lahaa ciidamada nabad sugayaasha ee jooga dalka Soomaaliya iyo kuwa la geeynayo iyo taageerada xukuumada KMG Soomaaliya.

Sidoo kale Mudane Saciid wuxuu sheegay in ay xaalada Soomaaliya ay noqotay mid aan wanaagsaneyn, isla markaana ay ka jirto nabadgalyo la’aan baahsan ayna ciidamada Midowga Africa ee jooga Soomaaliya ay qaban waayeen waxyaabo la taaban karo, isagoo taasna sheegay in ay sabab u tahay dhaqaale la’aanta ciidamada Africa heysata.

Golaha Amaanka & Midnimada Qaarada Africa ayaa todobaadka soo socda ka shiraya xaalada dalka Soomaaliya, shirkaas ayaa ah mid deg deg ah oo laysugu yeeray Madaxda dowladaha Africa si ay uga hadlaan xaaladaha dalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Shirkaan ayaa hordhac u ah Shirweyne ay yeelanayaan Madaxweynayaasha dowladaha Africa, kaasoo lagu falanqeynayo xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii taageera loo siin lahaa dowlada KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss Adis-Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: