Ra’isul Wasaare Nuur Cade iyo qaar ka mid ah Golihiisa Xukuumada oo Maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

RW Nuur Cade

Daawo Sawirada

Halkaan ka akhri

Ra’iisul wasaaraha KMG Somalia Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo wafdi uu horkacayo oo ay ku jiraan golihiisa Xukuumada ayaa goor dhaweeyd ka soo dagay garoonka caalamiga Aadan Cade Airport ee magaalada Muqdisho.

Wafdigaan uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Nuur Cadde ayaa waxa ay ka soo duuleen magaalada Baydhabo ee gobolka Bay halkaas oo ay ku sugan yihiin xubnaha Dowladda KMG inteeda kale.

Ra’iisul-wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in xukuumadiisa ay wax ka qaban doonto xaaladaha murugsan ee ka jira Dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Waxaana si weyn u soo dhaweeyay Xubnaha Maamula Gobalka banaadir iyo xilidhibaano ku sugnaa magaalada muqdisho, iyadoona lafilayo inuu maalmaha soo socda bilaabi doona shaqadiisa.

Sidoo kale waxaa halkaasi illaalada ugu weyn ka hayay ciidamada midowga Afrika ee Amisom oo iyagu si aad ah u sugayay ammaanka Raisal wasaaraha iyo xubnaha kale ee lasocda.

Waxaana jira in saaka laga dareemayay magaalada muqdisho ciidamo farabadan oo lasoo dhoobay wadooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo amaanka aad u adkeenayay.

Wadooyinka Xernaa saaka waxaa ka mid ahaa wadada dheer ee Makka Al Mukarama wadooyinka gala Degmada Wadajir iyo Dharkeenleey iyo wadooyin dhoowr ah oo halbowle u ahaa isku socodka dadweeynaha magaalada Muqdisho.

Wadooyinkaasi ayaa lagu arkayay ciidamo fara badan oo taagan kuwaasi oo dadka iyo gaadiidkaba u diidayay in ay isticmaalaan wadoyinkaasi si ay u gaaraan goobaha ganacsi, waxbarasho iyo caafimaad ee magaalada Muqdisho.

Waa Markii ugu horeeysay ee uu soo gaaro Ra’isul Wasaare Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde) Magaalada Muqdisho tan iyo markii xilka loo soo doortay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

HornafrikHORNAFRIKHORNAFRIK HORNAFRIKHORNAFRIKHORNAFRIKHORNAFRIKHORNAFRIKHORNAFRIKHORNAFRIKHORNAFRIK

%d bloggers like this: