Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ka shakisan in ay nool yihiin Axmed Diiriye Cali iyo Sheikh Axmed Cali Gees.

Odayaasha Hawiye

Golaha dhaq. Hawiye

Halkaan ka akhri

War ay soo saareen maanta Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa shaaca ka qaaday inay rumeysneyn inuu nool yahay Afhayeenkii dhaqanka Golahaas Mudane Axmed Diiriye Cali iyo Shiikh Axmed Cali Gees oo isna ka mid ah Golahaas.

 Guddoomiye ku xigeennada Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Mudane Cilmi Faragaab ayaa sheegay in aysan aaminsaneyn in ay raggaas nool yihiin, wuxuuna  sheegay in markii ugu horeysay  ee la xiray loo diiday in ay ehelladooda soo booqdaan.

Mudane Cilmi Faragaab ayaa waxaa uu gaashaanka ku dhuftay hadal uu dhawaan Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ka sheegay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), kaasi oo ahaa in Axmed Diiriye iyo Shiikh Axmed Cali Gees ay nool yihiin, isla markaana aysan wax dhibaato ah qabin marka laga reebin in aysan xoriyad heysan.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ah Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa horay u sheegay in ay heleen warar ku saabsan in Axmed Diiriye iyo Shiikh Axmed  Cali Gees lagu dilay Dalka Itoobiya, iyadoo hadalkaasina uu si weyn u wel wel geliyay Eheladda Odayaashaas, gaar ahaan Hooyada dhashay Shiikh Axmed Cali Gees oo lagu magacaabo Xirsiyo Maxamed Jaamac, taasi oo markii uu warkaas soo gaaray qalabka warbaahinta codsi uga jeedisay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo ay ka codsatay in Raggaas nolol iyo geeri mid loogu sheego.

Si kasta ha ahaatee, waxaa Ciidamo ka amar qaata Dowladda  KMG Soomaaliya ay dhawaanahan waxay qab-qabasho ku hayeen Xubno kale oo ka tirsan  Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, kuwaasi oo ay ka mid yihiin C/llaahi Dheere, Xasan Raage iyo Jimcaale Maxamuud Nuur, kuwaasi oo haatan ku xiran Xabsi ay maamusho Dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: