Ra´isal Wasaare Nuur Cade, ayaa shaaca ka qaaday in ay dowladdiisa wadahadal la galeyso dhammaan kooxaha ka soo horjeeda, oo ay ka mid yihiin kooxda Al-Shabaab.

Nuur Cade BBC

RW Nuur Cade

Halkaan ka akhri

 HALKAAN KA DHAGEYSO FALAN-QEYNTA JIMCAHA

somali
Nuur Cadde oo ka qeybgalaya barnaamijka falanqeynta ee BBC

Raiisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen, ayaa shaaca ka qaaday in ay dowladdiisu diyaar u tahay in ay wadahadal la gasho dhammaanba kooxaha ka soo horjeeda, oo ay ka mid tahay kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisal Wasaaraha oo marti u ahaa barnaamijka Falanqeynta Jimcaha ee BBC-a ayaa isaga oo ka jawaabaya su’aal la weydiiyay waxaa uu sheegay in Axmed Diiriye oo ah Hoggaamiye Dhaqameed u xiran dowladda ku meel gaarka ah, horena ay u soo baxeen warar sheegaya in la dilay, uu nool yahay, rajana uu ka qabo in la soo deyn doono.

Yusuf Cali Haaruun, Xeer Ilaaliyihii dowladda oo isaguna Maxkamad la’aan xiran mar wax laga weydiiyay iyo dad kale oo badan oo xaaladdaas ku sugan, Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu sheegay in maalmaha soo socda uu rajeynayo in dowladdiisu ay qaadi doonta tallaabooyin billow u ah isbeddel lagu gaaro in qaanuunka loo wada hoggaansanaado cid walbana uu qaanuunku ka sarreeyo.

r

Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde oo ku sugan Baydhabo oo si toos ah uga qeybgalaya barnaamijka Falanqeynta ee BBC

Mar uu u jawaabayay dhegeyste ka soo wacay Muqdisho, oo ka cabaneysay in la duqeeyay xaafaddeeda, waxaa uu sheegay in uu ka xun yahay duqeynta ay sheegtay in xaafaddeeda loo geystay, uuna rajo ka qabo in xad gudubyada noocaas ah ee bulshada loo geysanayo laga gudbi doono.

Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu sheegay in muwaaddin kasta, muxaafad iyo mucaaradka, uu leeyahay xuquuq ay tahay in la dhowro iyo waajibaad isaga saaran.

Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay aayaha waddanka ka wada shaqeeyaan, maaddaama ayuu yiri, waxa dalka u ah iyo wixii aan dan u ahaynba la wada arkayo.

Source BBCSomali

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: