Kulan-diineed Caalami ah oo lagu kala qabtay Magaalooyinka Oslo-Norway iyo Stockholm-Sweden.

mutamar.jpg

Mu’tamarka Islaamka

Halkaan ka akhri

Kulan Diineed oo Caalami ah  ka kala dhacay Magaalooyinka Oslo iyo Stockholm ee dalalka Norway iyo Sweden, loogana magaciisu ahaa “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”, wuxuu marka hore laga dhigay magaalada Oslo 5ta iyo 6da bisha Jannaayo 2008 , ka dib waxaa ku xigay magaalada Stockholm oo kulankaas laga dhigay 12-kii ilaa 13-kii Janaayo 2008.

diineed1

Taasoo ah mid Rabbi loogu mahad celiyo wanaagii uu ku dhacay sidii loo qorsheeyay, isla mar ahaantasna uu u fulay ujeedadii loogu tala galay oo ahayd in dadka Soomaliyeed khayrka la gaarsiiyo, waxaana ka soo qayb galay culumaa’u diin waa wayn oo ka kala yimid wadamo kala duwan sida Sucuudiga, Kuwait, Denmark iyo USA.

mutamar.jpg

Sidoo kale waxaa goobta mu’tamarka faalo qurux badan ka baxshay qaar ka mid ah odayaasha magaalada Oslo.

mutamar2.jpg

Dadka ku nool magaalada Oslo ayaa ku muujiyeen waxqabadkooda, iyagoo ka mid ahaa khayrfalayaasha gacanta ka gaysan jiray hawlaha samafalka.

 diineed3

Mu’tamarkan ayaa si aad ah looga hadalay arrimo la xiriira Islaamka iyo dhaqanka Suuban, iyadoo bulshada muslimka ah la faray inay muujiyaan Samir, deggaan iyo isdhexgel.

 SomaliSwiss Oslo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: