Hey’adda CIA-da Mareykanka iyo shirkadaha la shaqeeya ee ladagaalanka Islaamka ayaa albaabada isugu dhufteen website-ka Al-Mujaahid.

Al-Shabaab

Al-Shabaab Al-Muj.

Halkaan ka akhri

Warsaxaafadeed ay soo saareen Ururka Hubeysan ee Al-Shabaab Al-Mujaahidiin oo ay kaga hadlayeen fariisinkoodii Internet-ka oo la xiray.

Waxaa ay sheegeen in Hey’adda CIA-da Mareykanka iyo shirkadaha la shaqeeya ay albaabada isugu dhufteen website-koodii Al Mujaahid, halka ay fariimo loo soo diray loogu gefay Shaqsiyadda Sharafta leh ee Nabi Mux’ed SCW.

Sidani ayuu u qornaa Bayaankii ina soo gaaray:-

Shirkadaha gaalada caalamiga ah oo weerar ku soo qaaday boggii www.almujaahid.com

Dhammaan akhristayaashii Bogga www.almujaahid.com waxaan ku wargelinaynaa in wararkii jihaadka ee uu soo gudbin jiray bogga almujaahid loo wareejiyay bogga kale ee ah www.kataaib.net .

Waxaana sababay arrinkaasi kadib markii boggii Almujaahid ay soo weerareen gaalada caalamiga ah oo aan ogalayn warbaahinta xaq u dirirka ah ee ka waranta jihaadka ka socda wadamada Muslimiinta oo ay Soomaaliya ku jirto.

Waayo gaalada kan qoriga sita ee ina soo weeraray iyo kan shirkadaha fadhiyaa waa isku mid, dagaalka way kuwada jiraan, sidaa darteed ayay bogaga Islaamiga ah weerar cad ku hayaan, waxaanay isku dayayaan inay afka qabtaan warbaahinta Islaamka.

Ilaahay waxaan ka baryaynaa in uu sharkooda inaga ilaaliyo.

Waxay noo soo qoraan waraaqo aad u qariban oo ay nabiga ku caayayaan, waraaqaha qaar haddii aad akhridaan waxaad ogaanaysaa cadaawadoodu halka ay gaarsiisantahay, mid ka mid ahi wuxuu noo soo qoray in aanay dagaalka joojinayn illaa Makka iyo Madiina ay qabsadaan. yoolkoodu halkaas ayuu gaarsiisanyahay.

Inagana waxaa loo baahanyahay in dareenkeenu sidaa u midaysnaado oo keena dagaalka ku jira iyo midka ardayga ah iyo midka xafiiska jooga aan isku hadaf ahaano, hadafkeenuna uu noqdo in aan diinteena iyo sharafteena difaacano, gaalada nijaasta ahna waddo iska marino.

Dhammaan muslimiinta waxaa laga rabaa in qof walba awoodiisa uu ku jihaad galo, haddii aanad saaxadda jihaadka iman karin waxaad awooddaa in aad afka ka dagaalanto, lana shaqayso warbaahinta Islaamka, caqligaaga iyo xirfaddaada aad ku jihaado sida iyaguba ay noogu gumaysanayaan xirfadahooda iyo shirkadahooda.

{ وَلِلَّهِ الْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَلَكِنَّ الْمُنَافِقِينَ لا يَعْلَمُونَ}

اللهم منزل الكتاب سريع الحساب هازم الأحزاب

اهزم الإثيوبيين الصليبيين وإخوانهم المرتدين ومن كان في صفــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــهم

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: