Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay magaalada London ee wadanka Ingiriiska, Jaaliyadaha wadamada geeska Afrika.

mud6

Daawo Sawirada

Halkaan ka akhri

 Mudaharaad aad u ballaaran oo noday  kii ugu weynaa oo ay isugu yimaadaan Jaaliyadda Geeska Africa (Horn Africa), oo Ujeedadiisu ahayd in loo gudbiyo cabasho ka dhan ah xasuuqa ay ka geeysanayaan wadanka Soomaaliya ciidanka gumeysiga Ethiopia. 

Dadka isugu yimid Bannaanbaxaas ayaa inta badan ka yimid Wadamada Yurub, halka ay inta kalena ka yimaadeen dalka Ingriiska (Uk), hase ahaatee dadka Soomaaliyeed ee isugu yimid goobta Mudaaharaadka ayaa shucuurtoodo kacsanayd, iyadoo halkaas ay ka hadleen dad magaca ku leh Bulshada Soomaaliyeed ee  ku nool dalkan Ingiriiska gaar ahaan magaalada London, waxaana ka mid ahaa dadaka ka hadlay Mudane Abdisalaam Guuuled Sakariye Yare iyo rag kale oo badan.

Sidoo kale Mudaharaadkaas waxaa ka hadlay madaxda Eritrea Oromo iyo Ogaden; waxaa Mudaharaad kaas lagu soo bandhigay sawiro tilmaamaya xasuuqa ay wadaan ciidanka Ithiopia

Hase yeeshee dadka Mudaharaadkaas yimid ayaa waxaa u badnaa dhalinyaro, waayeel iyo caruur iyadoo Mudaharaadkan uu noqday kii uga horreeyey, uguna balaarnaa ee ay Jaaliyadaha Geeska Afrika ee ku nool Yurub,gaar ahaan dalkan Ingiriiska.

bannaanbax.jpg

Balse waxaa mudan in la sheego muhimada gaarka ee uu lahaa Bannaanbaxan, waayo waxaa fiiro gaar ah siinayeen qalabka Warbaahinta ee dalkan Ingiriiska, waxaa goobta Mudaharaadkaas joogay TV BBC, Aljazeera iyo Chanello badan, balse halkaas aan soo xaadirin Tv Soomaaliga ee Universal iyadoo aan la aqoon sababta ay u diideen waxaase nasiib daro ah Tv Universal oo arrinta Soomaaliya aan dhex dhaxaad ka noqon.

Mudaharaadkan ayaa lagu balamay in la sii wado iyadoo loo diyaar garoobi dooni mid socod ah oo dadweyne badan ka soo qeyb gali doonaan. Waxaa dhab ah in Mudaharaadkan uu u xaarayey in Soomaali isugu timaado si ay Hal u cod yeelato, iyadoo Amaan gaar ah mudan dhalinyarada Soomaliyeed ee Uk ku nool oo arrintan qaban qaabadeedu ku guuleystay, Mudahaarkana uu ku soo gaba gaboobay Guul iyo Farxad.

SomaliSwiss London

Somalswiss@hotmail.com 

mud6bannaanbax.jpgmud4mud1mud3mudmudahaar11.jpg

%d bloggers like this: