8 Askarta gumeysiga Ethiopia oo Maanta lagu xasuuqay dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho iyo gumeysiga Ethiopiaa oo Madaafiic ku garaacay Suuqa Bakaaraha.

dagaal muqdisho

Dagaal Muqdisho

Halkaan ka akhri

Iskahor Imaadyo qaraar oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Maanta duhurkii ka bilaawday qaybo katirsan magalada Muqdisho.

Xoogaga hubaysan ee Muqaawamada ayaa Maanta dagaal nuuc cusub ah lagalay Ciidamada gumeysiga Itoobiya iyagoona maanta dagaalka u isticmaalay hub aad u xoogbadan oo saamayn ku yeeshay Ciidamada gumeysiga Itoobiya ee ka dagaalamo Muqdisho.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay xaafadaha Baar-Ubax iyo Blac Sea oo ay isku fara saareen Ciidamada Itoobiya iyo xoogaga Muqaawamada, dad goob joogayaal ah ayaa noo xaqiijiyay dhimashada 8-Askari oo katirsan Ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo dhaawac aan tira lahayn oo Itoobiyaanka gaaray.

Suuqa Bakaaraha Muqdisho ayay Ciidamada gumeysiga Itoobiya ku garaaceen Madaafiic aad culus oo saamayn ku yeeshay howlihii ganacsi ee suuqa Bakaaraha, waxaana albaabada loo laabay goobihii ganacsi ee suuqa Bakaaraha.

Goob jooge diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in 5-Askari oo Itoobiyaan ah Maydadkoodu ay yiileen Wadada Baar-Ubax xiligaas oo ay ku hareeraysnaayeen Dagaal yahano hubaysan islamarkaana dhufaysyo ay ka ag qoteen.

Sidookale xaafadaha Cali Kamiin iyo laba dhagax ayaa la sheegay in lagu dilay 3-Askari oo Itoobiyaan ah, dagaalkan oo ahaa mid aan Muqdisho noociisa oo kale uga dhicin ayaa waxaa bar bar socday duqayn ay xoogaga Muqaawamadu ku hayeen Xarumaha Ciidamada gumeysiga Itoobiya ay Muqdisho ku leeyihiin.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: