Nin u hadlay Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye Oo Shaaciyey In Goluhu uu Ka Qeyb gali doono Doorashada dhici doonto Sanadka 2009-ka.

Odayaasha Hawiye

Golaha dh. Hawiye

Halkaan ka akhri

Gudoonka Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye garabka uu Hogaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa shaaca ka qaaday inay ka qayb geli doonaan Doorasho xor ah ee ka dhici doonta Soomaaliya sanadka 2009-ka, waxayna ka dhawaajiyeen in ay diyaar u yihiin ka qeyb galka doorashada.

Madaxda Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha hawiye Mudane Salaad Macalin axmed (Salaad Barwaaqo) oo la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa ku nuux nuuxsaday in Golahoodu u diyaargaroobayo qaabkii uu uga qeyb gali lahaa doorashadaasi dhici doonta sanadka soo socda.

Mudane Salaad ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay taageero weyn ku heli doonaan doorashadaasi oo uu tilmaamay in ay ugu wacan tahay waxqabadkooda ku aadan sida uu hadalka u dhigay xal u helida arimaha ka taagan dalka Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.  

Waxaan rajo wanaagsan ka qabnaa ayuu yiri salaad barqwaaqo in aan ku soo baxno doorashada dhici doonta sanadka ina soo aadan oo ku beegan xiligii ay dhici laheyd dowlada isla markaana aan heli doono taageero weyn.  

Sidoo kale Mudane Salaad Barwaaqo ayaa ka codsaday Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde in uu faragalin ku soo sameeyo waxa uu ugu yeeray xasuuqa ka socanaya Magaalada Muqdisho, wuxuuna ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin Ciidamada Ethiopia isla markaana uu si deg deg ah loogu soo gaaro Magaalada Muqdisho si uu arimahaasi wax uga qabto.  

Waxaa kale ee uu Ra’isul wasaaraha ka codsaday in uu dadaal u galo qaabkii loo sii deyn lahaa xubno ka tirsan golahooda oo ku jira xabsiyo ku yaala Magaalada Muqdisho una xiran Dowlada KMG.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: