Soomaalida Switzerland oo 4. January 2008 soo gaba gabeeysay bannaanbixii ugu weynaa ee Sharci la’aanta (Qeybihii dambeeyay Video-yada).

2

Daawo Qeybtii 2aad ee Video-yada

Halkaan ka akhri

 Video-yada oo dhameystiran daawo qeybihii dhinaa ayaan kusoo kordhinay, nagana raali noqda waan idinkala soo daahnay Shaqada oo nagu badatay darteed mahadsanidiin Daawasho Wacan.

Daawo Video-yada Qeybta 1aadQeybta 2aadQeybta 3aadQeybta 4aadQeybta 5aadQeybta6aad

4. January 2008 – Waxaa maanta ka dhacay magaalada Berna Bannaanbax aad u weyn oo ay sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Switzerland, kaasoo ay ku doonayeen sidii wax loogu qaban lahaa dhibaatada sharci la’aanta ama Aqoonsi la’aanta muddada dheer ku haysato Waddankan Switzerland.

Bannaanbaxan oo ay ka soo qayb galeen dad gaaraya ilaa 500 qof oo ka mid ah Jaaliyadaha ku kala nool Gobllada dalkan Swiss-ka, hase ahaatee waxaa xusid mudan in bannaanbaxan uu ahaa mid ay Soomaalidu ku mideysanaayeen maadaama bannaanbaxan uu ahaa mid loogu hadlayey dhibaatada saameysay ee sharci la’aanta dhammaan Soomaalida dalkan qaxootiga ku ah ee qaarkooda joogay muddo 15 Sano ah oo aan welina wax sharci ah kuheysan.

Bannaanbaxan ayaa lagu horsameeyey Guriga sharciyada laga maamulo dalka Switzerland ee loo yaqaano Migration-ka, halkaas oo ay ku soo uruureen ka soo qayb galayaasho ayagoo ku dacwoonayo, qodobbada hoos ku qoran:-

In Ummadda Soomaaliyeed oo dalkooda Burburay, dib u noqoshana aan Lahayn, dib u dhiskiisuna dhawayn, si deg deg ah loo aqoonsado Qaxootinimadooda.

Dunida oo idil waxaa laga wada ogyahay in Soomaali dadkeedu yihiin Qaxooti Dhab ah, sidaas darteedna go´aan laga gaaro oo sharciyada loo fasoxo.

Waxaa Sanooyin badan ay Soomaalidu ka dacwoonaysay in wax laga beddelo sharciyada la siiyo.

Sidaa Darteed waxay Soomaalidu go´aansatay inay ku wajahdo, socod dheer ee laga soo billaabay Gobolka Zürich ilaa iyo Bern Xiligaan oo lagu jiro waqtigii qaboobaha ah .

Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa waxay Socdaalka ku soo mareen Degmooyinka iyo Xerooyinka aad u fara badan,sidaas darteed dhallinyaradan waxay sharaxeen masuuliyiinta degmooyinkaas dhibaatooyinka Somalida ku heysato dalkan Swiss-ka.

Halgankaa dheer waxaa Soomaalidu ku kalifay waa Dhibkaa Qof waliba oo soomaali ah yar iyo Weyn, Dummar iyo Rag ku raagay, meel walboo ay joogaan.

Dhalinyaradan ayaa ku barbaartay Xirfad la’aan (Mustaqbal daro)
Aqoonyahanadii iyo Xirfadleydii oo ka lumay Khibradihii ay lahayeen iyo Niyad jab, Walwal joogto ah oo qofka uusan hubin nolol Mustaqbal leh.

Codsiga Soomaalida ee baannaanbaxan ayaa waxaa ka mid ah:-

In Qaxootiga Soomaaliyeed loo Aqoonsada Qaxooti dhab ah, kadib markii Somalinimadooda la hubsado .

– In wax laga beddelo Qaxootiga Somaliyeed ee Muddooyinkanba lagu dhaqayey Xeerka (F) oo ah Sharci ku meel gaar, loo tixgeliyo Habka uu caalamaka ka qabo dad dhulkooda iyo Qarankooda burburay, gaar ahaan sharcigii Genevé 1951kii.

– In Soomaalidu loo oggolaado Kaalmo Waxbarasho si aqoontooda u kororsadaan.

Ugu dambeynti Waxaa Xarunta Migration-ka Swiss-ka lagu soo dhaweeyey 5 qof oo ka mid ah Guddiga qabanqaabada bannaanbaxa ee jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Gobollada, si ay uga hadlaan muhimmada dibid-baxooda, waxayna u gudbiyeen masuuliyiinta ka madaxda sare ee Migration-ka dowladda Federaalka Switzerland warqado qoraal ah oo ka hadlaya dhibaatada haysata dadka soomaaliyeed ee ku nool dalkan.

Fadlan Video-yada qaar kale ayaanu idiin heynaa dib ayaanu idinkaga soo gudbin doonaa.

 SomaliSwiss@hotmail.com

54321

%d bloggers like this: