Sheekh Shariif Sheikh Axmed oo ugu baaqay Ciidamada Midowga Afrika in ay ka baxaan gudaha Soomaaliya.

sheikh-sharif.jpg

Sheikh Shariif

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xorayta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo u hadlayay Idaacadda VOA qaybteeda Af Soomaaliga iyo shabkada Arab online ayaa ugu baaqay ciidamada Midowga afrika ee jooga gudaha Soomaaliya in ay iskaga baxaan soomaaliya, waxana uu arintaa ku sheegay in ay garab siiyaan ciidamada gumeysiga ee dalka ku sugan .

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in ay bartilmaameedsan doonaan ciidamada Gumeysiga itoobiya mel kasta oo ay joogaan dagaalkooduna uu yahay mid ah sidoo dalka looga saari lahaa Itoobiyaanka gumeysi doonka ah.

Warku wuxuu intaa raaciyey in Sheekh Shariif uu eedayn dusha uga tuuray ciidamada Ugandha iyo Burundi oo uu ku eedeyay in ay tageerooyin nooc walba leh siiyaan ciidamada gumeysiga ayna ilaa iyo hada aysan sheegin waxa ay ka qabteen xaaladaha dhabta ee ka jira meelaha ay ku sugan yihiin.

Sidoo kale wuxuu Sheekhu sheegay in ay midaysan yihiin dhamaan safafka Muqaawamada qeybahooda kala duwan waxaan uu meesha ka saaray warar lays la dhex marayay oo ahaa in uu khilaaf soo kala dhex galay xubnaha sar sare ee MMIS.

Dhanka kale Sheekh  Shariif ayaa sheegay in Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga ay tahay mid aan aqoonsi lahayn shacabka Soomaaliyeedna uu yahay mid ka war qaba waxa ay tahay xukuumada uu C/laahi Yuuusuf madaxda ka yahay, sidaas awgeed uusan wax wada hadal ah la yeelan doonin Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumesiga Itoobiya.

Waxaa kaloo uu soo hadal qaaday Sheekha weerarada ay wadaan Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay xoogagu ka go’ an tahay in ay dalka ka saaraan Ciidamada ku soo duulay, wuxuuna weeraradaaas ku timaamay in ay yihiin kuwo cadowga ku kalifay in ay ka guuraan melihii ay degganaayeen, waayo waxay la kulmeen khasaarooyin aad u farabadan.

Waxaa hada ku soo badanaya magaalada Muqdisho weerarada qorshaysan iyo kuwo tooska ah ee ay Xoogaga Muqaawamadu la beegsanayaan ciidamada gumeysiga iyo kuwa la shaqeeyaba. 

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: