Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble oo soo saartay war saxaafadeed ay kaga hadashay dad badan oo u xiran dowladda KMG ah.

Maryan Awreeye

Maryan Awreeye

Halkaan ka akhri

HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA OO COD AH

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble ee xarunteedu ay tahay magaalada Muqdisho ayaa maanta soo saartay war saxaafadeed ay kaga hadashay dad badan oo u xiran dowladda KMG ah, kuwaasoo isugu jira weriyeyaal, siyaasiyiin iyo duqey dhaqameedyo.

War saxaafadeedkan oo ay ku saxiixnayd guddoomiyaha xaruuntaasi, Maryan Xuseen Awreeye, ayaa wel-wel iyo walaac ka muujisay xarigga loo gaystey maalintii shalay agaasimaha Idaacadda Soomaaliweyn, Cabdiraxmaan Maxamed Xasan (Xudeyfi) iyo weriye Bashiir Maxamed Cabduqaadir (Albashiir) oo ka tirsan isla idaacaddaas, kuwaasoo la xirey iyagoo ku guda jira howl-maalmeedkooda suxufinimo.

Waxay kaloo xaruuntu sheegtay Sheekh Yuusuf Maxamed Barrow oo ahaa agaasimihii Idaacada Qur’aanka Kariimka oo la xirey 1-dii December ee sannadkii hore iyo Maxamed Shidane Dawaan oo ahaa wariye la xirey 4-tii janaayo ee sannadkan.

Hay’addu waxay sheegtay in xarigga suxufiyiintu uu xadgudub ku yahay xuquuqda aasaasiga ee bani’aadamka, kaasoo dammaanad qaad buuxa siiya xorriyada hadalka iyo nabadgelyada saxaafadda, iyadoo sidoo kalena uu Axdi Qarameedka KMG ahi sugayo xorriyadda jaraa’idka, hay’adaha warbaahinta xorta ah iyo amniga suxufiyiinta si waafaqsan sharciga.

Xarunta Dr Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadamiga waxay sidoo kale walaac ka muujisay xaaladda ay ku sugan yihiin maxaabiista ku xiran xabsiyada dalka, kuwaasoo laga kala qabtey meelo kala duwan oo dalka ka mid ah isla markaana aan la hor geynin wax maxkamad ah oo ku caddaysa eedeymaha loo haysto amaba xorriyadooda dib ugu soo celisa.

axmed
Axmed Diiriye waxa uu ka mid yahay dadka dowladda u xiran

Maxaabiista ay xaruntani Dr Ismaaciil Jimcaale ka wel-welsan tahay ayaa waxaa ka mid ah kuwo siyaasadeed oo ay ka mid yihiin Dr Yuusuf Cali Haaruun -Guddoomiyihii Maxkamadda Sare iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegoow, kuwaasoo xabsi ku jira ilaa 21-kii September ee sannadkii hore.

Waxaa kaloo ay Xarunta Dr Ismaaciil Jimcaale xustay Axmed Diiriye Cali oo ahaa afhayeenkii odoyaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo Sheekh Axmed Cali Gees oo la xirey 11-kii November ee sannadkii hore, kuwaasoo ilaa xilligaasi aanay dowladda KMG ah soo taagin maxkamad.

Waxaa sidoo kale ay Xarunta Dr Ismaaciil Jimcaale ka warrantay xarigga Cabdullahi Xasan Abuukar (Cabdullahi Dheere) oo ahaa afhayeenkii siyaasadda ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo la xirey 16-kii December ee sannadkii hore.

Xarunta ayaa war saxaafadeedkeeda ku soo gunaanadday codsi ay u jeedisay dowldda KMG ah in dhammaan maxaabiista ku xiran xabsiyada dalka la hor geeyo maxkamad qeybaheeda caddaaladeed ay dhammeystiran yihiin si sharciga hortiisa loogu caddeeyo eedeymaha loo haysto amaba dib loogu soo celiyo xorriyaddooda.

Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale waxay si xoog leh u sheegtay in helitaanka hannaan caddaaladeed oo loo siman yahay uu saldhig u yahay soo celinta nabadgelyada dalka, midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo dhowrista Xuquuqda Aadanaha.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: