Ciidamada Mareykanka ee ka soo dagaalamay Ciraaq iyo Afqhanistan, ayaa la xaqiijiyay in ay dib u soo noqdaan iyagoo waali laxanuunsan.

Waalida US. Solders

Halkaan ka akhri

Ciidamada gumeystaha Mareykanka ee ka soo dagaalamay wadamada Ciraaq iyo Afqanistan, ayaa la xaqiijiyay, inay dib u soo noqdaan iyagoo xanuunsan buufisna ku dhacay, kadib markii tirakoob la sameeyay lix-sano gudahood lagu ogaaday in 349-ciidamada mareykanka, la xukumay, qaarkoodna xaasaskoodii iyo caruurteedii inta ay dabka-saareen, ayey iyagiina nafta iska-gooyeen.

Joornaalka New-York-Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka, ayaa baaritaan iyo dabagal dheer kadib soo bandhigay cadeymo muujinaya arintan, kadib markii ay wareysiyo la yeesheen, garyaqaano, dhaqaatiir iyo ehelada 349-Askari.

Dhacdada sida weyn looga arga-gaxay ayaa aheyd, kadib markii la soo bandhigay dukimintiyo cadeynaya askari Mareykan ah, oo isagu dilay gabar uu aabo u yahay dad, deedana lagu sheegay 2-sanno-jir, askaragin buufiska qaba ayaa la sheegay inuu ku soo dhaawacmay dagaal ka dhacay magalada Faluuja ee dalka Ciraaq.

Sidoo kale Joornaalka USA-TODAY, ayaa soo bandhigay cadeymo muujinaya in maalin-kasta 17-askarta Mareykanka kuwooda shaqada ka fariistay, ay is dilaan (suicide).

Askarta Mareykanka

4-tii askari ee Mareynkan ah ayaa la sheegay in mid ka mid ah uusan heysan hoy uu seexdo iyo raashin uu cuno,waxayna dhaqatiirta Mareykanka cadeeyeen in 100,000- askari oo ka mid ah ciidamadii Mareykanka ee ka soo dagaalamay wadamada Ciraaq iyo Afghanistan codsadeen in laga daweeyo cudurka waalida, isla hadalka iyo cuqdad nafsiga.

Xogtan la soo bandhigay ayaa niyad-jab ku noqotay Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ee (Pentago).

Source Calanka

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: