Ciidamada AMISOM oo beeniyay in ay ka qeeyb gali doonaan Howlgalada ay Ciidamada gumeysiga Ethiopia ka wadaan Muqdisho.

Doctor

Ciidamada Amisom

Halkaan ka akhri

Afhayeenka ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia (Captain Ba-hoku Barigye) oo maanta shir jaraaid ku qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cade muqdisho ayaa sheegay in ciidamada AMISOM aysan ka qeyb qaadan doonin howlgalada ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa dowlada KMG ah ay ka wadaan magaalada Muqdisho isagoo tilmaamay inay sugayaan amaanka goobaha ay ku suganyihiin ciidamadooda oo kaliya.

Bahoku ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Burundi la doonayo in ladajiyo dhismaha dugsigii hore ee Puulo tikniko halkaasi oo dhowaan Maxamed dheere kuu amray qaxootiga daganaa inay ka guuraan dhismahaasi, ayuu sheegay in go’aankaasi uu yahay mid ka ligiis uu qaatay gudoomiyaha gobolka banaadir Maxamed dheere hase yeeshee ciidamada AMISOM aysan halkaasi dagi doonin.

Ba-hoku ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegaya inay jiraan tababar mareykanku uu siiyay ciidamo ka tirsan ciidamada bada ee AMISOM ee ku sugan Somalia gaar ahaan Muqdisho.

Dhanka kale waxa uu cadeeyay in howshoodu ay tahay nabad ilaalin isla markaana ay dhexdhexaadin ka dhex sameeyaan kooxaha isku haya Siyaasada Somalia.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in aysan jirin meel ay ciidamadoodu weerarayaan, hase yeehsee ciidamadoodu ay is difaaci doonaan hadii la soo weeraro.

Sidoo kale marlaweydiiyay su’aal ku adaneyd in ay badalaan farsamooyinka military ee ciidamada AMISOM ka dib markii la badalay afhayeenkii hore ee ciidamada AMISOM Paddy Ankunda ayuu sheegay in aysan jirin arintaasi ciidamaduna ay u dhaqmi doonaan sidii hore.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: