Golaha Baarlamaanka KMG ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Dowladda Cusub ee Nuur Cade.

kulalihi

Ansixin Dowladda Cusub

Halkaan ka akhri

Golaha baarlamaanka Somalia ayaa maanta ansixiyay dowladda cusub ee dhawaan uu soo dhisay Ra’iisul Wasaaraha KMG ah Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Baarlamaanka ayaa fadhi uu maanta ku yeeshay magaalada Baydhabo waxa uu codka kalsoonida ku siiyay xubnaha golaha wasiirrada cusub ee dhawaantan la magacaabay.

223 Xildhibaan ayaa codkooda siiyay dowladda cusub ee Nuur Cade, 5 Xildhibaan ayaa diiday, halka 2 kalena ay la aamustay codkooda.

Golahan wasiirada ayaa ahaa kii labaad ee uu soo dhiso Ra’isal Wasaare Nuur Cadde, tan iyo markii la magacaabay sanadkii hore ee 2007, iyadoo golihii ugu horeeyay ee uu soo dhisay Nuur Cade la diiday ka hor inta aan la hor geyn baarlamaanka.

Golahan wasiirrada cusub ayaa aad uga tira yar kuwii horey loo soo dhisi jiray ee Dowladihii kadambeeyay nadadii 1991 kadib.

Lama oga sida ay wax uga qaban doonto xukuumadan cusub ee maanta la ansixiyay, iyadoo uu wadanki heysto gumeysi cadow soo jireen ah.

SomaliSwiss Bayhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: