Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed & ciidamada Dowladda KMG ah oo Dagaal xooggan ku dhax maray Deegaanka tuulada“Idaale” oo ka tirsan Gobolka Bay.

muqaawamada.jpg

Xoogagga Xaq u dirirka

 Halkaan ka akhri

War xog ogaal ah ee annu ka helnay magalada Baydhabo ayaa sheegaya in Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed  ay shalay Dagaal aad u kulul kula galeen deegaanka Raama Caddey ee ku dhaw deegaanka Idaale ee gobolka Bay.

Dagaalkan ayaa yimaaday ka dib markii Cutubyo ka tirsan Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed ay dhaxda u galeen labo gawaarida dagaalka ah oo ay wateen saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga oo ka yimid dhinaca Deegaanka Diinsoor una socday dhinaca Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Sida lagu soo warramay Dagaalkan ayaa socday in mudo ah, hase yeeshee Xoogaga Muqaawamada soomaaliyeed ay u suuro gashay inay cagta mariyaan ciidamadaasi isla markaana ay waxyeelo gaarsiiyaan qaar ka mid ah gawaaridii ay wateen.

Balse dadka deegaanka ayaa soo sheegay in goobta lagu dagaallamay ay yiileen meydad oo ciidamada dhimasho iyo dhaawac la gaarsiyeyna ay u badnaayeen Ciidamada dowladda.

Dhacdadaas dagaaleed ka dib ayaa waxa Ciidamada DKMG ah, soo gaaray gurmad kale oo ka koobnaa 5 gawaarida dagaalka oo ka yimid dhinaca deegaanka Diinsoor, kuwaas oo ay cutubyo kale oo ka tirsan Xoogaga Muqaawamada soomaaliyeed dhaxda u galeen isla markaana la galay dagaal qaraar oo sababay in ay dib u gurtaan ciidamada DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya.

Isku dhacan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed iyo kuwa la shaqeeya gumeysiga Itoobiya iskaga hor yimaadaan gobolka Bay iyo Bakool tan iyo sanadkii 2006 oo ahayd xiligii GMMIS iyo ciidamada gumeysiga Itoobiya ay halkaasi ku dagaalameen.

Warar hoose ayaa sheegaya in gudoomiyihii deegaanka Diinsoor uu ka baxay deegaankaasi isla markaana aan illaa iyo hadda si rasmi ah loo sheegi karin halka uu jaan iyo cirib dhigay.

Sidoo kale dhaq-dhaqaaqyada ay Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed ka wadaan gobolada Bay iyo Bakool ayaa la sheegayaa in uu ku kalifay ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya in ay ka wada baxaan deegaanadaasi oo dhan iskugu tagaan oo kaliya Magaalada Baydhabo oo ah xarunta ugu weyn ee ay ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ka deganyihiin Soomaaliya.

SomaliSWiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: