Xarakada Al-Shabaab oo sheegay in aysan dhibaato u geysan doonin shaqaalaha ajnabiga ah ee hey’adaha samafalka ka howlgala Dalka Soomaaliya.

dagaal muqdisho

Al-Shabaab Al-Mujaahidiin

Halkaan ka akhri

Abuu-Mansoor oo sheegay in aysan dhibaato u geysan doonin shaqaalaha ajnabiga ah ee hey’adaha samafalka ka howlgala Dalka Soomaaliya.

Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur  oo ah Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab ee dagaalada adag kula jira ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan Dalka Soomaalia ayaa sheegay in xoogagooda ayan bar tilmaameedsan doonin shaqaalaha Ajnabiga ah iyo kuwa Soomaalida ee la shaqeeynaya hay’adaha Sama-falka ee u gar gaaraya dadka dhibaateeysan oo ka barakacay dagaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in aysan Bartilmaameedsan doonin, wax colaaad ahna u qabin.

Sheikh Abuu-Mansoor ayaa  intaa ku daray in cida kaliya ee ay beegsanayaan ay tahay Ciidamada cadowga gumeysiga Ethiopia iyo kuwa Dowladda KMG ee isku beheeystay waxyeelada Ummada Soomaaliyeed.

Abuu-Mansuur oo la weeydiiyay waxa ka jira in ay Ururka Al-Shabaab ay ka saareen Sheikh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo ay dhawaanahan shaacineeysay shabakada ay internetka ku leeyihiin ururka Al-Shabaab ee Al-Mujaahid.com ayuu ka gaabsaday waxaana uu sheegay in uu warkaasi markale uu ka jawaabi doono.

Hadalka ka soo yeeray Sheikh Abuu-Mansoor ayaa waxaa uu keenayaa in shaqaale fara badan oo ka cabsi qabay dhibaato kaga timaada dhanka Xarakada Al-Shabaab in ay ku soo dhiiradaan dalka si ay wax ugu qabtaan dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed ee ka bara kacay madaafiicda gumeysiga Ethiopia.

Abuu-Mansoor ayaa dhowaan isaga iyo Ciidamadiisa ay Video kasoo duubtay ay tabisay Telefishinka Al-Jazeera kaasoo muujinayay in ay dagaalo ba’an kula jiraan gumeysiga iyo dabadhilifyadooda, sheegayna in ay jab weyn u geysteen, (VIDEO-GA HOOS KA DAAWO). 

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Halkaan ka Daawo Video-ga

%d bloggers like this: