Wasiirka Arrimaha Afrika ee dalka Ingiriiska oo magaalada London kula kulmay Daahir Rayaale Kaahin.

Riyaale uk

Daahir Riyaale

Halkaan ka akhri

Wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan wadanka Ingiriiska ayaa maanta kula kulmay magaalada London Madaxweynaha Maamulka gooni ugoosadka la magac-baxay Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo booqasho ku jooga ee dalka Ingiriiska.

riyaale.jpg

Daahir  Rayaale iyo wefdigii uu hogaaminayey ayaa waxaa Maanta House of Lords ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Africa, Asia, UN-ta iyo Arrimaha Dibedda iyo Ururka Barwaaqo Sooranka Mr. Lord Malloch Brown, Minister for Africa, Asia and the UN, Foreign and Commonwealth Office, Wasiirka oo ay weheliyeen xubno sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dalka Ingiriiska.

 Warku wuxuu intaa raaciyey Daahir Riyaale iyo wefdigiisa in uga warbixiyeen madaxdii ay la kulmeen Xaalada maamulkooda Soomaaliland, sidaas si la mid Wasiirk arrimaha Afrika wuxuu u sheegay Daahir Riyaale in uu Soomaaliland ka warqabo waxa u qabsoomay iyo halka laga soo qaaday, taasina ay tahay mid lagu faano.

Daahir Rayaale Kaahin ayaa Wasiirka iyo Masuuliyiinta  kulanka ka soo qayb galay uga mahad celiyey soo dhaweynta fiican ee loo fidiyey.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: