Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah oo olole uga jira sidii dowladda Nur Cadde loo siin lahaa Codka Kalsoonida, loona ansixin lahaa.

adan-madowe.jpg

 Gudd. Barlamaanka

 Halkaan ka akhri

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe uu dadaal xoogan ugu jira sidii codka kalsoonida loo siin lahaa Xukuumada Nuur Cadde soo dhisay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa wada kulamo uu la yeelanyo Xildhibaanada Baarlamaanka, oo ku aadan sidii ay ugu fududeyn lahaayeen Xukuumada cusub helitaanka codka kalsoonida.Gudoomiyuhu ayaa shalay ilaa xalay waday kulamo gaar gaar ah oo qolo kasta uu la lahaa, waxa uuna ka codsanayay in xildhibaanada ay ansixyaan Xukuumada oo caqabad heysata.

Warbaahinta magaalada Baydhabo waxay soo tebinayaan ee ay leeyihiin horey looma arag dadaalka uu hadda muujinayo Sheekh Aadan Madoobe ee ku wajahan kalsooni siinta Xukuumadda Nuur Cadde, waana markii ugu horeysay Sheekhu sidan u taageero Xukuumadda Federaalka.

Sheekh Aadan Madoobe oo la hadlayay tiro Xildhibaano ah ayuu u sheegay in ay muhiim tahay in Baarlamaanka codkiisa siiyo Xukuumadan cusub, “lama haysto waqti badan, inta yar ee aynu haysano waa inaan ka faa’iideysana”ayuu hadalkiisa ku yiri.

Balse waxaa jira Xildhibaano fara badan oo ka biya diidsan dhismaha Xukuumadda Nuur Cadde kuwaas oo u badan Xildhibaano horey Wasiiro uga ahaan jireen Xukuumadihii hore kuwaas oo iska waayay Golaha wasiirada cusub.

 SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: