Xukuumada Nuur Cadde oo Soo saartay barnaamijka iyo qoorsha-howleedkeeda, iyadoo weli ka helin codka kalsoonida Barlamaanka kmg ah.

RW. Nur Cade

RW. Nur Cadde

Halkaan ka akhri

War saakey naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Xukuumada Nur Cadde ay ku dhawaaqay, soona bandhigtay barnaamijka iyo qoorsha-howleedkeeda u dagan ee ay ku dhaqaaqi doonto muddada 2 sano ee ku harsan jiritaan dowladdan, iyadoon weli kalsooni ka helin barlamaanka kmg ah ee la shaqeeya gumeysiga.

Qorshayaasha ay soo bandhigtay xukuumada Nuur Cadde ayaa waxaa ka mid ahaa in ay wax ka qaban doonto xaalada amaan daro ee dalka ka jira iyo sidoo kale arimaha dib u heshiisiinta oo sida ay sheegtay ay ka gaabisay xukuumadii ka horaysay ee Cali Geedi.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa qorshayaasha ay soo bandhigtay xukuumada Nuur Cadde in ay bilaabi doonta wax ka qabshada xaalada Bini aadanimo ee haysta dadka ka soo barakacay degaanadii ay dagaanayeen, waxaa kaloo ka mid ah sidii wax loogu qaban lahaa dagaaalada ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.

Warar aan sugneyn oo si hoose loo helay ayaa sheegaya in qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaaka KMG ah ee la shaqeya gumeysiga ay ka soo horjeedeen habka loo dhisay Xukuumadda,sidaas darteed ay taasi ay la xiriirto sababta ka dambeysa ay tahay in  xukuumada Nuur Cade ay soo bandhigto qoorsha-howleedkeeda wax qabad, sidii ay si sahal ah ugu heli lahayd codka kalsoonida .

Warku wuxuu intaa raaciyey in Mudane Nuur Cadde uu hor yaala Caqabado badan oo ay ugu horeyso sidii uu kalsooni uga helli lahaa xubnaha baarlamaanka iyo qaabka ay u shaqeyn doonto xukuumadiisa iyo wax ay ka yeeli doonto joogitaanka ciidamada gumeysiga Itoobiya.

SomaaliSwiss Baydhabo

 SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: