Tacsi C.Itoobiya
Halkaan ka akhri
Safiirka Safaaradda dawladda Itoobiya ay ku leedahay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegeyo in dawladda Itoobiya ay ka baxeyso dalka Soomaaliya marka ay dhamaato howsha keenista Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Itoobiya ayaa lagu sheegay in dawladda Itoobiya ay ku dhibtootay dagaalka dalka Somaliya isla markaana ay diyaar u tahay Ciidankeeda dalka in ay ka qaadato hadii la helo wax howsha ka badala.
Safiirka Safaaradda dawladda Itoobiya ayaa ugu baaqay dhamaan dawladihi Afrika ee ballan qaaday ka qeyb qaadashada howsha nabad ilaalinta Soomaaliya in ay ka dhabeeyaan taaba gelinta howshaasi, isla markaana ay si deg deg ah ku keenaan Ciidamadooda dalka Soomaaliya.Â
Sida la wada ogsoon yahay Dawladda Itoobiya ayaa kumanaan kun oo Ciidamo ah waxaa ay ka joogaan dalka Soomaaliya kuwaasi oo shacabka Soomaaliya ay u qabaan naceyb iyo in Itoobiyaanku yihiin Cadowgooda soo jireenka ah, haddana dadka deggan magaalada Muqdisho uu ku hayaan dhibaatooyin xoog,waxana inta badan lagu eedeeyaa in ay masuul ka yihiin madaafiicda la isaga garaaco goobaha rayidka.Â
SomaaliSwiss Washington
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: USA |
You must be logged in to post a comment.