C/laahi Yuusuf oo ka dhawaajiyey inuu isu soo sharixi doono Jagada Madaxweyne-nimo ee dhici doonta sanadka 2009-ka.

abdullahi-yusuf.jpg

 C/llaahi Yuusuf

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Dowladda kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf oo arrimo Caafimaadkiisa la xiriira u jooga Magaalada London ayaa waxaa uu ka dhawaajiyay inuu yahay Musharaxa Jagada Madaxweynaha Soomaaliya doorashada Baarlamaaniga ah ee dhici doonta 2009-ka marka uu dhamaado waqtiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu aaminsanahay in wax badan ka qabtay soomaaliya mudadii uu haayay jagada Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Yuusuf, ayaa muujinayay in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay, wuxuuna  ka hadlay sababta keentay in uu dib ugu noqday Isbitaal uu horay uga baxay, wuxuuna sheegay in uu markii hore  u deg degay dhismaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay in ay qorshaha ugu jirtay in uu dib ugu noqdo Dhaqtarkiisa jooga London.

Madaxweynaha oo u waramayay Radio Gaalkacyo ayaa wuxuu sheegay in uu xaalkiisa caafimaad wanaagsan yahay, isla markaana aysan waxba ka jirin in uu liidanayo, wuxuuna caddeeyay in uu nasanayo, isla markaana uu dawooyin qaadanayo.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in uu Isbitaalka ku jiri doono 2 ilaa 3 Asbuuc, wuxuuna caddeeyay in uu kadib dib ugu laaban doono Dalka Soomaaliya oo uu markaasina gudan doono howsha uu ka hayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu rajo ka muujiyay in Xukuumadda tirada yar ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ay qaban doonto howlaha hor-yaala Dowladda Federaalka Soomalaiya oo waqtiga u harsan uu aad u yar yahay, wuxuuna farta ku fiiqay in Xukuumaddii horay u jirtay ay qaban weysay howshii loo dhiibay.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: