Jendaya Frazer oo sheegtay in Mucaaradka dowladda kmg Somaliyeed ay xaq u leeyihiin in ay Fekerdooda soo bandhigaan .

jenday__frazer.jpg

 J. Frazer

Halkaan ka akhri

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika Jendaya Frazer ayaa shaacisay in Mucaaradka dawladda kmg ee siyaasad ahaan kaga soo horjeeda waxay xaq u leeyihiin in ay soo bandhigeen fekeradooda ku aadan siyaasadda dalkooda.

  Frazer oo ka hadleysay shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayay kaga hadashay arrimaha dalka Soomaaliya iyadoona si weyn u canbaareysay dagaalada hubeysan ee wali ka socda dalka Soomaaliya.  

Marwada Kaaliyaha u ah Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika waxaa ay adkeysay in aysan ceeb aheyn Mucaaradka dawladda in ay sheegaan waxa ay ku diidan yihiin ka qeybgalka hanaanka nabadda dalka iyo siyaasaddaba.

Frazer ”waxay tiri: dadka Mucaaradka ku ah dowladda kmg Somaliyeed  waxay xaq u leeyihiin inay soo bandhigeen fekeradooda waana arrin aad u wanaagsan”balse waxaan aad uga wal walsan nahay xaaladda ka sii dareysa ee dalka Soomaaliya.

Marwa Frazer ayaa sheegtay waxa keenaya in ay dalka sii joogaan Ciidanka Itoobiya maadaama Mucaaradka dawladda qaarkood ay soo horjeedaanjoogitaanta, ayey waxay sabab kaga dhigtay dib u dhaca Ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta. 

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: