Ciidamo ka tirsan Midowgii Maxaakiimta oo soo gaaray Tuulada Iidaale ee Gobolka Bay oo Ciidamada Gumeysiga ku hoobteen Kal-hore.

ciidamada-muqaawamada.jpg

Ciid. Maxkamadaha

Halkaan ka akhri

Guddoomiyaha Tuulada Iidaale oo ka tirsan deegaanka Gobolka Bay ayaa sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu arkay ciidamo farabadan oo ka tirsan Maxkamadaha islaamiga ah . 

Sida uu sheegay gudoomiyaha Deegaanaka Idaale Mudane Abuukar shariif oo soo gaaray magaalada Baydhaba ayaa warbaahinta u sheegay in halkaas ay soo gaareen ciidama farabadan oo ka tirsan maxkamadaha, wuxuuna intaa ku daray inay u sheegeen inaysan wax dhibaata ah u gaysanayn dadka iyo maamulka deegaanka.

Gudoomiyuhu wuxuu intaa ku daray in tirade ciidaankaas ay gaarayaan ilaa 250-askari oo ku hubaysan hubka nuucyadiisa kala duwan sida baasuukayaal iyo hubka fud fudud, isagoona tilmaamay inay yihiin kuwo deegaanka ka soo jeeda. 

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay wararka la xiriira dhaq-dhaqaaqa ciidan oo ay wadaan ciidamadii ka tirsanaa maxakamadii islaamka iyo hadalo ka soo yeeray saraakiishii sar sare ee maxkamadaha.

Sarkaalkii ugu danbeeyay oo ka hadlay afduubkii diblamaasiyiintii liibiya ee lagu afduubay Muqdisho, oo ka tirsanaa Midowgii Maxaakiimta ayaa sheegay inay iyagu ka dambeeyeen, hase ahaatee Afhayeenka madaxweyne C/laahi Yuusuf uu Warbaahinta u sheegay in arrinta afduubkaas uu ahaa wax ay isla ogaayeen Safaarada Libiya iyo Afduubayaasha.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: