Nin sheegtay inuu yahay Safiir oo sheegay in Caafimaadka Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo aad u liito, mar 2-aadna la keenay isbitaal ku yaal London ee Dalka Ingiriiska.

abdulay.jpg

M. C/laahi Yuusuf

 Halkaan ka akhri

Waxaa muddanba ka socday qaar ka mid ah Waddamada Caalamka, Rag Jago doon ah oo Soomaali ah, sheeganayana inay yihiin Safiiro uu Madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu soo magacabday oo meelaha wareegaya ayaa ku soo badanaya Wadammda Yurubta Galbeed.

Sidaas darteed, shalay iyo maanta ayaa Nin Soomaali ah oo sheegtay inuu yahay Safiirka Dowladda KMG ah Soomaaliya ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya ayaa sheegay in dowladdiisu uga wakiil yahay Qaramada Midoobe iyo Midawga Yurub ee magaalada Geneva .

Ninkan oo la yiraahdo Yuusuf Maxamed Ismaaciil ayaa wuxuu si aad ah ugu dhow yahay  Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxuu shalay u sheegay wakaalada wararka ee AFP in C/laahi Yuusuf la keenayo Magaalada London ee xarunta Dalka Ingiriiska, ka dib markii uu la soo gudboonaaday xaalad caafimaad oo deg deg ah.

C/laahi Yuusuf ayaa laga soo qaaday magaalada Addisa ababa, sida ay sheegeen Saraakiisha Itoobiya si loo hubiyo xaalada caafimaad ee C/laahi Yuusuf.C/laahi Yuusuf oo mudo bil ah xanuunsan ayaa la filayaa in uu u tago dhakhtarkiisa gaarka ah ee dhinaca beerka, oo 10 sano ka hor ka badalay Beerkiisa.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo labo maalin ka hor la dhaariyay lana magacaabay qaar ka mid ah xukuumada Nuur Xasan Xuseen, xili ay soo baxayaan biyo diid ay ka keeneen qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Beesha jareer-weyn oo sheegtay in laga sad bursaday isla markaana aan wax xuquuq ah laga siin xukuumada cusub ee la shaqeysa Gumeysiga itoobiya.  

SomaliSwiss Switzerland

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: