Xoghaya Arimaha Bulshada ee Isbahaysiga dib u xoreynta dalka Somaliya Suldaan Garyare oo ugu baaqay Ummadda Somaliyeed.

Wareysi Dheer

Halkaan ka akhri

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA

Xoghaya, Arimaha bulshada ee Ururka Isbahaysiga dib u xoreynta Somaliyeed Suldaan Maxamed Suldaan Garyare ayaa u waramay hiiraancenter isagoo siiyey wareysi taabanaya meelo badan xoghaya ayaa ku nuuxsaday xaaladda Somaliya min bilow ilaa iyo maanta.

Xoghaya arimaha Bulshada suldaan garyare ayaa ka bixiyey faahfaahin ku saabsan ujeedda Isbahaysiga isagoo ugu baaqay in ay habboontahay in ay ummadda Somaliyeed ee jecel xornimada iyo islaam nimada in ay ka qayb qaataan halganka socda ,ay na u huraan xoog iyo maal intaba.

Suldaanka ayaa nasiib dari ku tilmaamay in ay Somalida qaarkood aysan weli fahmin hadafka Gumaysiga madow iyo kuwa garabka ku siinaya sidii ay u dhibaateyn lahaayeen dadka islaamka iyo diintooda waxaa kaloo uu raaciyey in ay adduunka ugu muhiimsantahay xoriyadda,ay maantana xoriyaddii dalka Somaliya uu lahaa ,ay meesha ka baxday.

Isagoo intaa raaciyey itaa iyo Gumaysigii Taliyaaniga iyo Kii ingriska ,ay dad Somaliyeed dalka gacanta u geliyeen maantana ,ay sidaa tahay ee loona baahan yahay kuwa ,ay weli ku jirto nin jeclaysiga in ay iska daayaan una soo jeestaan xoraynta diinta iyo dalka sidoo kale waxaa uu sheegay in aysan raaci karin dad islaam ah ciidan gaalo ah isla markaasna duulaan ku ah diinta islaamka .

Waxaa xusay in ay geflaga galayo xagga ,alle haddii adigoo islaam ah aad garab ku siisid kuwa masaajidda ku saxaroonaya isla markaasna kitaabka isaga tiraya nijaasta isagoo intaa raaciyey dadka in ay ku fara adeggaan diintooda sida ,ay gaaladuba ugu agag yihiindiintooda.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA

 Source HiiraanCenter

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: