Koox si aad ah u hubeysan oo weerar bambaano ku soo qaaday Ciidamada dowladda kmg oo fariisin ku lahaa Buundada Liiq-Liiqato.

Baladweyn

 Beled-weyne

 Halkaan ka akhri

Buundada Liiq Liiqato ee magaalada Baladweyne, ayaa  xalay fiidkii Kooxo Hubeysan weerar bambaano ku qaadeen, halkaasi oo xarun u ahayd Ciidamda Koofiya Casta ee Dawladda Federaalka Somaliya.  

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno halkaasi ma jirin wax khasaare ah oo halkaasi kasoo gaaray Ciidamada dawladda Federaalka iyadoona ay dadkii meelahaasi ka ag dhawaa lasoo gudboonaatay baqdin aad u xoog badan. 

Taliyaha Ciidamada Koofiyacasta Captain C/laahi Keynaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uusan weerarkasi waxba kusoo gaarin balse wax si rasmi uga hadalay khasaarihii halkaas ka dhacay ma jiraan. 

Taliyuhu wuxuu sheegay in ay weerarkaasi ku tuhmayaan kooxaha qalalaalasaha ka wada Balad weyne sida uu hadalka u yiri,kuwaasi oo uu ku eedeeyay in aysan dooneyn nabad galyo waarta ee ka dhalata gobolka Hiiraan. 

Hase ahaatee, maahan weerarkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo dhawaanahan ka dhaca Hiiraan iyadoona ay jireen weeraro iyo dilal gaadmo ah oo ay kooxaha hubeysan ku qaadayeen deegaano kala duwan oo kamid ah gobolkaasi.

SomaliSwiss Beletweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: