Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo soo gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay .

Baydhabo 

M. Baydhabo

Halkaan ka akhri

Duhurnimadii maanta ayaa waxaa soo gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, Wafdi ka socda Beesha Caalamka, kaasoo ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka waxayna kulamo gooni gooni ah la yeesheen xubno ka mid ah Dowladda KMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga itoobiya.

Wafdigan oo ka kooban 8 xubnood ayaa kulan gaar ah la yeeshay Mudane Nuur Xasan Xuseen iyo Guddoomiyaha Barlamaan Mudane Aadan Madoobe, iyada oo la sheegayo in ay kala hadlayaan sidii loo ansixin lahaa xukuumada cusub ee Nuur Cadde.

Sidoo kale wafdigan oo ka socda Midowga Yurub ayaan saxaafada la hadlin isla markaana aan wax faah faahin ah laga bixin socdaalkooda ayay dad ka agdhaw Dowladda KMG ah sheegayaan in ay muujiyeen in ay Xukuumada Nuur Cadde la taageero isla markaana lagala shaqeeyo sidii loo meel marin lahaa.

Socdaalka wafdigan ayaa ku soo beegmaya iyada oo xubno ka mid ah baarlamaanka Dowladda KMG ahi wacad ku mareen in aysan codka kalsoonida siin doonin xukuumada uu dhawaan soo dhisay Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde”. Waa wafdigii koowaad ee soo gaara Baydhabo tan iyo intii dhawaan lagu dhawaaqay xukuumada kooban ee Nuur Xasan Xuseen.

SomaliSwiss  Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: