Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo dhaliilo u soo jeediyeen qaarka mid ah Mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya.

barlamaanansixin1.jpg

 Barlamaanka

 Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay dhaliilsan yihiin Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), iyagoo sheegay in aysan xukuumaddan ahayn mid wax ka qaban karta dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

Xildhibaan dhaliilsan ayaa waxaa ka mid ah Mowliid Macaani Maxamuud oo soo jeediyay in Xukuumaddan ahayn mid wax ka qaban karta dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya, gaar ahaan sida uu u yiri dagaallada ka socda magaalada Muqdisho, wuxuuna intaas ku sii daray in Xukuuumaddan aysan waxba ka duwaneyn Xukuumaddii hore.

Mudane Mowliid wuxuu kaloo uu sheegay in Xukuumaddan ay ku dhisan tahay sed-bursi, isagoo carrabka ku dhuftay in aan Beelaha Soomaaliyeed loogu qeybin nidaamka 4.5 ee salka u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa kaloo ka hadlay xaaladda Xukuumada cusub Xildhibaan Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo isna wuxuu sheegay in Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde aysan ahayn mid tayo leh, wuxuuna caddeeyay in marka la hor-geeyo Baarlamaanka aysan codka kalsoonida heli doonin.

Balse waxaa jira Xildhibaanno kale oo ku jira Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Maxamed Cusmaan Maye, Caasho Axmed Cabdalla, Shiikh Jaamac Xaaji Xuseen iyo Xildhibaan Kula-lihi, kuwaasi oo horay u sheegay in haddii aan la soo dhisin Xukuumad aan qaab cadaalad ah loo soo xulin xubnaheeda aysan Baarlamaanka ka gudbi doonin.

Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ka kooban 18 Wasiir iyo 5 Wasiir ku xigeen ayaa waxaa ka harsan oo aan weli la soo magacaabin seddex Wasaaradood, kuwaasi oo aan la ogeyn cidda la siin doono, walow ay Wasiirradaas yihiin kuwo meel dhexaad ah oo aan ahayn kuwa ay aadka u jecel yihiin Beelaha Soomaaliyeed ee lagu tilmaamo heerka koowaad, sida Gaashaandhigga, Maaliyadda, Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda.

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la dhowrayaa sida uu ka yeelo Xukuumadda tirada yar ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, iyadoo ay xusid mudan tahay in haddii uu Baarlamaanka diido ay qasab noqoneyso in uu Ra’iisal Wasaaraha dib u soo dhiso Xukuumad kale.

 SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: