Guddoomiyaha Isbahaysiga dib-U- Xoraynta Soomaaliya oo la kulmay Mudane ka tirsan Barlamanka dowlada Maraykanka.

 sheikh-sharif.jpg

 Sh. Shariif

 Halkaan ka akhri

 Waxaa shalay kulan xasaasi ah ku dhexmaray magaalada Asmara ee dalka Eritera Masuul ka tirsan Isbahaysiga dibu-u Xoraynta Soomaaliyeed iyo Mudane Donalad Pyne oo Barlamaanka dalka Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika iyo Caafimaadka, kulan kaas oo ka dhacay Hotel Ambasoira ee magaalada Asmara.

kulankaas labada dhinac dhexmaray ayaa looga hadlay Arrimaha ka taagan dalka Soomaaliya, gaar ahaan xaalada murugsan ee hadda ka jirta.

Kulankaas saacadaha socday ayaa waxaa si adag loogu lafaguray baaxada dhibaato ee ay gaysatay Itoobiya ee ay ka midka ahaayeen burburka iyo barakaca ku yimi shacabka Soomaaliyeed, falaanqayn iyo wadahadal dheer kadib waxaa gabagabdii lagu heshiiyay oo la isku afgartay qodobbada hoos ku qoran:

1. in sida ugu dhaqsiyaha badan looga saaro Ciidamada Ethiopia ee Sharici Darada ku jooga Dalka Soomaaliya.

2. In Maxkamad Caalami ah la soo saaro dhamaan dagaal oogayaasha dumiyay Qarankii iyo Sharafkii Soomaaliyeed.

3. in la raadiyo Xal Siyaasadeed oo lagu samata bixin karo Shacabka Soomaaliyeed, laguna damiyo dhibaatada maalinba maalinta ka sii dambaysa sii huraysa.

Qodobadaas oo si wada jir ah ay isugu raaceen Madaxdii Isbahaysiga Dib U Xoraynta, oo kulankaas xubnihii uga qaybgalay ka mid ahaa Madaxa Isbahaysiga Sh. Shariif Sh. Axmed, labadiisa ku xigeen, Zakariye Xaaji iyo Jan. Jaamac Qaalib iyo waliba Xoghayaha Arrimaha Dibada Yuusuf Dheeg, halka dhinaca kale uu Mr. Donald Pyne, oo ah Mudane ka tirsan Barlamaanka Maraykanka, una qaabilsan Arimaha Afrika iyo Caafimaadka.

Isbaheysiga ayaa horay u sheegay in uu bilaabayo abaabul ku aadan Beesha Caalamka sidii uu ugu soo jeedin lahaa gabood falada ay wadaan ciidamada gumeysiga Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Asmara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: