Wasiira Cusub
Halkaan ka akhri
Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa goor dhawaa magaalada Baydhabo ee fadhiga u ah dowladda waxa uu kaga dhawaaqay golihiisa cusub ee dowladda Illaa hadda tirada wasiirrada lagu dhawaaqay waxay dhan yihiin 15 wasiir, waxaana ay kala yihiin.
-
Axmed Cabdi Salaan Ra’iisul Wasaare xigeen, ahna Wasiirka Warfaafinta.
-
Ceydiid Cabdullaahi Ilko Xanaf Ra’iisul Wasaare xigeen, ahna Wasiirka Waxbarashada
-
Saalim Caliyow Ibrow Ra’iisul Wasaare xigeen, ahna Wasiirka Garsoorka
- Muxidiin Maxamed Xaaji Ibraahim Wasiirka Gaashaandhiga
- Xuseen Ceelaabe Faahiye Wasiirka Ganacsiga
- Maxamed Cali Xaamud Wasiirka Maaliyadda
- Maxamed Ibraahim Xaabsade Wasiirka Gaadiidka
- Cali Axmed Jaamac Jangali Wasiirka Arrimaha Dibedda
- Cabdirisaaq Ashkir Cabdi Wasiirka Horumarinta Gobollada iyo Dib u heshiisiinta
- Cabdi Maxamed Tarrax Wasiirka Isgaarsiinta
- Maxamed Cali Saalax Wasiirka Tamarta
- Muuse Nuur Amiin Wasiirka Arrimaha Gudaha
- Mustafa Dhuxuloow Wasiirka Beeraha
- Nuur Iidoow Beyle Wasiirka Howlaha Guud
- Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Haweenka
WASIIR KU XIGEENADA
1-Xildhibaan C/kariin Axmed Cali =Wasaarada Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga .
2-Xildhibaan Carab Cali Diiriye = Wasiir  Ku-Xigeenka Dib u heshiisiinta, hormarinta Gobolada iyo Arrimaha Federalka .
3-Xildhibaan Cali Muumin Ismaaciil = Wasiir ku-xigeenka Maaliyada iyo Qorshaynta .
 4-Xildhibaan Fahma Axmed Nuur = Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka .
5-Xildhibaan C/kaafi Macalin Xasan= Wasiir ku-xigeenka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Kaabiyaasha .Â
Ugu dambeyntiina, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, Wasiirka Xannanada Xoolaha, Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Bay’ada intuba dib ayaa laga soo sheegi doonaa.
Waxaase si ku meel gaar ah Wasaarada Caafimaadkau hayn doona Xildhibaan Ceydiid C/lahi Ilka Xannaf Ra’isu Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha.
Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxaa sii haynaya Xidhibaan Saalim Caliyow Ibrow Wasiirka Garsoorka ahna Ra’isu Wasaare ku xigeen.
Halka Wasaarada Xannaanada Xoolaha, Kaluumaysiga iyo Bay’ada ay sii hayn doonto Khadiijo Max’ed Diiriye ahna Wasiirka Horumarinta haweenka iyo Arrimaha Qoyska.
Wixii kusoo kordha kala soco Shabakada SomaliSwiss
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss |