Madaxweyneyaasha faransiiska iyo Masar oo ka hadley xaalada Dalka Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa in Soomaaliya ay ka hanaqaado Nabad lagu nagaado.

sarkozy.jpg

M. Faransiiska

Halkaan ka akhri

Wakaalada wararka ee Caalamka qaarkood ayaa ka hadlay in Madaxweynaha wadanka Faransiiska Nicola Serkoosi uu wadahadal kula yeeshay Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Madaxweyne Maxamed Xusni Mubaarak, waxayna isla soo qaadeen qaabka xal waara looga gaari karo dalka Soomaaliya ee dagaaladu aafeeyeen .

Kulanka labada madaxwyne ayaa waxay uga wada hadleen arimo ay ka mid yihiin xaaladaha murugsan ee ka’oogan dalkan Soomaaliya,waxayna isla soo qaadeen sida ugu fudud oo lagu soo afjari karo mushkiladaha ragaadiyay shacabka soomaaliyeed mudo 17 sano ah .

Madaxweynayaasha wadamada Masar iyo Faransa waxay ugu baaqeen beesha caalmka iney sanadka cusub uhano qaadaan sidii nabad looga aslaaxi lahaa wadamo farabadan ooy Somalia kamid tahay.

Kulakaasi waxaa goobjoog ka’ahaa madaxweynayaasha wadamada Liibiya iyo Suudaan,waxaana halkaasi ka hadlay madaxweynaha dalka Suudan oo sheegay in dalka Soomaaliya ya gabi ahaantiisba hareeyeen dagaalada aan dhamaad laheen;  hase ahaatee waddanka suudaan ee uu hogaamiyo uu kadagi la’yahay oo kaliya ah gobolka Daarfuur ,waxaana uu sheega in dalka suudaan intiisa kale uu nabdoon yahay.

Hase yeeshee dowlada Masar waxay sheegtay in haddii ay dowlada KMG ee Somalia ay si gaara uga codsato in ciidamo Masariya loo soo diro Somalia ay ka aqbali doonaan isagoo tusaale u soo qaatay ciidamada ay Masar u dirtay wadanka Suudaan .  

SomaliSwiss Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: