Xildhibaan Kulalihi:- “Sheekh Aadan Madoobe waa macalin Dugsi Qur’aan ah oo aan waxba ka aqoon Sharciga iyo Dimuqraadiyadda Dowladnimada”.

Xil. Max. Axmed Kulalihi

Xildhibaan Kulalihi

Halkaan ka akhri

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa weli ka doodaya awood qeybsiga xukuumada federaalka Soomaaliya, waxeyna Xildhibaanda galeen doodoodii ugu adkeyd, iyadoo xildhibaanada inta badan ku doodayaan inuu qaldan yahay qaabka loo qeybinayo awood qeybsiga.

Dooda ugu weyn ayaa ah qaabka Beelaha loogu kala qorsheeyay, iyadoo xildhibaanada sheegayaan in Beesha Daarood ay sad bursi sameysay oo iyada xubno badan laga siiyay xubnaha Safiirada noqonaya iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Kulalihi oo shalay kulankii Baarlamaanka laga saaray ayaa ku eedeeyay gudoomiyaha Baarlamaanka inuu yahay Macalin Dugsi Qur’aan oo aan waxba ka garanayn sharciga iyo Dimuqraadiyada Dowladnimada.

Dhinaca kale Gudiga Cadaalada Baarlamaanka ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin qaabka wax loogu qeybiyay Beelaha Soomaaliyeed, waxaana la sheegay in beesha Daarood la siiyay 54-safiir, iyadoo beesha ku xigtana ee Hawiye la siiyay 20-safiir, waxaana sidoo kale lagu eedeeyay inay Beesha daarood sadbursi ku samayasay qaabkii loo qeybiyay Agaasimayaasha wasaaradaha.

Xildhibaan kulalihi waxa uu sheegay in hadii xukuumada cusub si cadaalad loo soo dhisin inay bur buri doonto sida tii ka horeysay ee uu Nuur Cade iyo C/llaahi Yusuf ay soo dhiseen, wuxuuna ku baaqay inay haboon tahay in la ilaaliyo shuruucda iyo awood qeybsigii lagu soo heshiiyay ee 4.5.

SomaliSwiss Baydhaba

SomaliSwiss@hotmail.com

Remembering Islamic Course

%d bloggers like this: