Nuur Cadde oo mar kale dib ula laabtay magacaabista xukuumadiisa, kadib markii ay Xubnaha Baarlamaanka ku diideen.

kulalihi

Baarlamaanka KMG

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee ah fadhiga Baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Ra’isal wasaare Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” uu dib u dhigay magacaabistii laga sugaayay ee ahayd inuu ku dhawaaqo xubnaha Golaha Wasiirada cusub.

Nuur Cadde ayaa taas ku macneeyay in xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay ka biyo diidsan yihiin qaabka loo magacaabayo xubnaha golaha wasiirada cusub ee uu marlabaad horkeenay Nuur Cade Baarlamaanka, Xildhibaanada ayaa iyaguna ku sheegay in aysan waxba dhaamin tii horay loo diiday ee burbrutay.

Nuur Cadde ayaa lagu wadaa inuu mar kale wax ka soo badalo xubnaha Golaha wasiiradiisada, iyadoo aqabada ugu weyn ee hortaagan ku dhawaaqista xubnaha cusub ee golaha wasiirada ay tahay qaabka wax qeybsiga oo ay beeluhu saluugsan yihiin inaysan cadaalad ku salaysnayn, iyadoo ay Xildhibaanada sheegeen ineysan ansixin doonin hadaan cadaalad lagu soo dhisin oo lahorkrrno mid ku saleysan waxa ay ku macneeyeen Musuqmaasuq.

Gudiga cadaalada baarlamaanka ayaa sidoo kale qaba in meel looga dhacay qaabkii loo qeybiyay xubnaha ka mid noqonaaya Xukuumada Cusub, kuna socoto sidan hadii lagu magacaabo in ay u burburto sidii tii ka horeysay oo kale.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyagoo aad u careysan halkaasi ku hanjabay hadii sidaan lagu socdo in ay burbureyso Dowladda KMG ah ee aan loo fiirin dhinaca cadaalada dadkana lasimin.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

Remembering Islamic Course

%d bloggers like this: