Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed oo la filayo inay gacanta ku dhigaan Degmada Cadaado ee G/gal-gaduud .

muqaawamada.jpg

C. Muqaawamada

Halkaan ka akhri

Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed ee ku sugan Degmada Cadaado ayaa sheegay in Dagaalku wali socdo isla markaana Maleeshiyaadkii Ddowladda KMG ahi ay ku sugan yihiin guryaha ugu dambeeya ee dhinaca waqooyi Degmada Cadaado ee Gobolka Gal-Gaduud.

Sarkaalkaas ka tirsan Xoogagga Muqaawada oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa intaa ku daray in 3 gawaari oo ah nooca loo yaqaano Cabdi Bilayaasha oo ay wateen Maleeshiyaadka Dowladda KMG ah ay kaga goā€™doonsan yihiin dhinaca waqooyi ee Degmada Cadaado halkaas oo ah goobta kaliya ee uga harsan xoogaga muqaawamada in ay gacanta ku dhigaan guud ahaan Degmada Cadaado ee Gobolka Gal-Gaduud.

Sidoo kale Sarkaalkaasi ayaa sheegay inuu dagaalku hadda ka socda Gelinsoor ayaa waxa uu sheegay in uu Dagaalku ku egyahay oo kaliya Degmada Cadaado isla markaana aysan wax dagaal ahi ku qaadin Gelinsoor, balse ay jiraan ciidamo ka socda Dowladda KMG ah oo uga soo gurmanaya dhinaca Gelinsoor isla markaana laga yaabo in dagaal hor leh uu dib u qarxo.

Wraku wuxuu intaa raaciyey Gudoomiyaha degmada Cadaado Axmed Muxumed Dhimbil ayaa sheegay in dagaalka uu soo qaaday Nin lagu magcaabo Daahir Shidane Qaareey oo uga wakiil ah Dowladda KMG ah gobalka G/gaduud, isla markaana inta badan ku soo tabo-bartay gudaha Itoobiya.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in Ninkaas uu maalmihii la soo dhaafay uu ku sugnaa deegaanka Gelinsoor halkaas oo uu ku aruursanayeen Ciidamo badan.Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dad gaaraya illaa 5 qof oo rayid ah ay ku geeriyoodeen isla markaana ay ku dhaawacmeen 5 qof oo rayid ah.

Xoogaga muqaawamada Soomaaliyeed ayaa iyagu u muuqada kuwa maalinba maalinta ka dambeysa ay awoodooda sii xoogaysanayso isla markaana ku sii baahaya dhamaan gobolada dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Cadaado

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: