Culumaa’udiinta dalka Kenya oo u baaq-nabadeed u jeedisay bulshada Reer Kenya.

kenya8.jpg

Rabshadaha Kenya

Halkaan ka akhri

Waxaa shalay baaq-nabadeed soo saaray Culumaa’udiinka Muslimiinta ee Dalka Kenya, baaqaas ayaa wuxuu ku socdaa dadka Reer Kenya oo kala  diinta ah inay dib uga joogsadan sharci darada, kana fogaadaan in dalka uu galo fawdo iyo qas.

Madaxa Golaha Muslimiinta ee qeybta magaalada mambasa Muhdhar Khitamy ayaa sheegay in qaska haatan ka jira qeybaha dalka uu yahay mid aanan ku fadhinin wax micno ah, balse uu sababayo oo kaliya qasaaro soo gaaro bulshada iyo hantidooda.

Culumadu waxay ugu yaaraan dhamaan dadka Reer Kenya inay ku dadadaalaan nabadda, hadalkan ayaa soo baxay kadib markii mudaharaad wata rabshado ay ka dhacayeen maalmihii tegay qeybo ka tirsan magaalo xeebeedka Mambasa gaar ahaan Deegaanada Kilifi, Diani iyo Wundanyi.

Golaha Muslimiinta waxay madaxda ugu sareysa ka codsadeen inay kulan ay yeeshaan si ay isku dhaafsadaan aragtidooda kala duwan, waxayna ugu yeereen shacabka dalka Kenya in ay ka fogaadaan is qabiileysiga.

Sidoo kale Madaxweyne Mwai Kibaki,hogaamiyayaasha Xisbiyada ODM Raila Odinga, iyo ODM-Kenya Kalonzo Musyoka ayaa la filayaa in si wada jir ah ay u soo wada saaraan baaq nabadeed oo ay dadka Kenyaanka ugu baaqayaan in xasilooni la muujiyo si looga hortago in faraha ay ka baxaan fawdada dalka ka taagan.

Warar ayaa sheegaya in kulanka uu soo baxay kadib kulankii ay yeesheen kalonzo iyo Raila Odinga, taasoo uu haatan aad uu ugu ololeynayo madaxweynihii hore ee Sierra Leone Axmed Tejan Kabbah, kadib kulan uu aqalka madaxtooyada kula yeeshay madaxweyne Kibaki.

Mr Julius Mucunguzi oo ka tirsan madaxdii kormeerayaasha Suuqa barwaaqa sooranka (Commen Wealth), ayaa cadeeyay in sadexda mas’uul haatan laga doonayo in ay wada saxaiixaan baaq nabadeed oo dadweynaha loo jeedinayo, sidaas waxaa laga soo xigtay ilo wareedyo aad ugu dhow Mudane kalonzo Musyoka oo ah mas’uulkii ugu horeeyay ee Hoteelka Serena kula kulmay Mudane Kabbah, waxaana la isku raacay in muhimada ugu weyn ay tahay qaboojinta xasaradaha haatan taagan.

Labadan Maalmood oo ay rabshaduhu socdeen ayaa waxaa Madaxda caalamka ay soo saarayaan baaqyo nabadeed oo ay u jeedinayaan Madaxda dalka Kenya, waxaana ugu dambeeyey hadalkii ka soo yeeray Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobay Ban Ki Mon uu ku sheegay in loo baahan yahay in wadaha hadal lagu dhameeya dhibaatada ka taagan dalka Kenya.

SomaliSwiss Monbassa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: