Madaxweynaha Cusub ee Konfederaalka Switzerland Mudane Couchepin oo madaxda Swiss-ka ku casumay inay Is cafiyaan.

pascal.jpg

 Presidentaha Swiss-ka

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Konfederaalka Switzerland Mudane Pescal Couchepin ayaa Munaasabadda Sanadka Cusub awgeed ku casumay asagoo ka codsanayo madaxda dowladda iyi Xildhibaanada Barlamaanka ina is cafiyaan doodihii iyo warkii ay is dhaafsadeen intii ay socotay borbagandihii Siyaasadeed ee doorashooyinkii dhacay bishii Oktoobar ee 2007da.

Mudane Pascal oo ah Madaxweynaha Swiss-ka oo aan Awooda lahayn ayaa haddana wuxuu  hayaa jagada Wasiirka Arrimaga Gudaha ee dowladda Federaalka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Madaxda Swiss-ka,ay awood iyo karti u leeyihiin inay sbeddel ku sameeyaan howlaha lagu horumarinayo qarankooda sidii loo gaari lahaa baraare ayuu Yiri madaxweynuhu.

Si kasta ha ahaatee sida ay la tahay Wasiirku wuxuu sheegay in loo baahan yahay isbeddel, haddii la rabo in Jiilka dhallinyarada ah la gaarsiiyo wadidda howlaha qarankooda, sidaas darteed waxaan u howlgelaynaa sidii aan maalgelin waqti dheer ah uga samayn lahayn mashruucyada horumarinayd ee waxbarashada bulshada.

Mudane Pescal oo horay u soo  qabtay xilka Madaxweyne-nimada 2003da ayaa mar labaad loo dhiibay inuu qabto Hogganka Qaranka Swiss-ka, sidaas awgeed wuxuu si qoto dheer uga hadlay taariikhdii fogeyd ee dalia Swiss-ka soo maray.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Swiss-ku ay soo billaabatay sanadka markup ahaa 1848dii, doorashadii barlamaaniga ahayd ee 24-ka bishii Oktoobar 2007-da ay ahayd doorashadii 47tanaad ee soo ka dhacda dalka Switzerland.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanuday inuu ku faraysan yahay in loo doorto xilka madaxweyne-nimo,wuxuuna Masuuliyiinta uga baaqay inay muujiyaan is-af garad iyo wada shaqeyn.

SomaliSwiss Zürich

Tarjume: A. Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: